Postby Amirsade » Mon Aug 05, 2013 12:23 pm
Kn: Mid ka mid ah go’aanada shirkii Kampala ee wadamada ciidamadda ka joogaan Soomaaliya ayaa ah in maamulka dekada iyo garoonka Kismaayo lagu wareejiyo dowladda Federaalka Soomaaliya.
Waa qodobka 15aad ee go’aanadii kasoo baxay shirka oo ay goobjoog wada ahaayeen, islamarkaasina wada saxiixeen madaxweynayaasha Uganda, Kenya, Ethiopia, Burundi iyo Soomaaliya.
Waxa uu qodobkani leeyahay
15. Decided, in accordance with the Provisional Federal Constitution of Somalia, that the control of the Kismayo seaport and airport should be handed over to the Federal Government of Somalia (FGS);
Turjumaad
“Waxaan go’aansanay, inagoo tixraacayno dastuurka federaalka kumeelgaarka ah ee dowladda Soomaaliya, in maamulka dekada Kismaayo iyo garoonka lagu wareejiyo dowladda federaalka Soomaaliya”
Qodob kale oo Kismaayo quseeya ayaa ah in la dhaqangaliyo cunaqabataynta dhoofinta dhuxusha ee Soomaaliya saaran, gaar ahaan Kismaayo oo ay dhuxusha ka dhoofto illaa iyo maanta.
Qodob kale ayaa ah in dhamaan dagaalyahanada ama maleeshiyaadka aanan ka ahayn kuwa Alshabaab in lagu daro ciidamadda militariga Soomaaliya, arrintanina waa mid toos u quseyneysa ciidamadda Jubbaland.
Madaxda waxa ay soo dhaweeyeen wadahadalada u socdo dowladda Federaalka iyo Saamiilayaasha ama garabyadda goboladda Jubbooyinka, sida hadalka loo dhigey, waxaana halkani xusid mudan in afka laga dhoowray ereybixinta ah “Jubbaland”.
Magacaabista maamuladda gobolada ayaa loo xil saaray dowladda Soomaaliya, balse waxaa shuruud laga dhigey in ay arrintaasi noqotaa mid dadka deegaankaasi ay ka wada qeybqaataan.
Waxaa lagu taageerey go’aankii shirkii IGAD ee Addis Ababa oo qodob ka mid ah uu dhigayay in dowladda Federaalka ay qabanato shir dib u heshiisiineed oo Jubbooyinka ku saabsan.
Qodobka 31 aad waxa uu dhigayaa in shirku taageerey dadaalka dowladda federaalka ay ku dooneyso in maamulkeeda ku gaarsiiso goboladda Jubbooyinka.
Qodobka 33 aad ee heshiiska waxa uu dhigayaa in amar lagu siiyey taliyeyaasha AMISOM, Ethiopia iyo waliba Soomaaliya ay ka wada shaqeeyaan sidii magaalada Kismaayo loo geyn lahaa ciidamo AMISOM ah oo isku dhaf, tani waxa ay ka dhignaan kartaa in ciidamadda tagaya Kismaayo ay ka mid noqon karaan kuwa Ethiopia, inkasta oo aysan ku cadayn qoraalka.
Go’aanadan oo ah kuwa saameyn toos ah ku yeelanaya maamulka cusub ee Jubbaland, ayaanan la ogeyn jawaabta ay ka bixin doonaan iyo waliba tan ugu muhiimsan oo ah sida ay u turjuman doonaan.
Kismaayonews.com