Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud oo loo magacaabay Xuseen Cali wehliye (Cirfo)
Dowladda Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu magacawday Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye oo loo yaqaanay Cirfo, kadib wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha.
Wareegtadan ayaa ka dambeysay kadib markii soo jeedin ka timid Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya in Mr Cirfo loo magacaabo Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud.
Gudoomiyaha cusub Cirfo ayaa wareegtada lagu sheegay in wixii maanta ka dambeeya uu la wareego maamulka Gobolka Galgaduud oo xilligan ay ka taliyaan maamulo dhowr ah oo kala ah Al-Shabaab, Ximin iyo Xeeb iyo Maamulka Ahlusuna.
Wareegtada ayaa sidoo kale lagu sheegay in magacaabistan loo cuskaday qodobo ku saasabn dastuurka dalka ee maamulada gobolada ee qodobada kala ah qodobka 18aad, 90aad iyo 99aad ee dastuurka dalka.
Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Galgaduud ayaa xilka kala wareegaya Axmed Yuusuf Ciyow oo horay wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Xukuumadii KMG xilkaas u magacaabay.
Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo Maamulka Ahlusuna ee Gobolada dhexe ay ka digeen in maamul dowladda u soo magacawdo, iyagoo aan lagala tashan, waxaana ninkan loo magacaabay Gobolka uu ka soo jeeda degmooyinka Dhuusa Mareeb iyo Guriceel.
Xuseen Cali Wehliye Cirfo ayaa ka mid ahaa gudoomiyihii degmada Afgooye xilliyadii dalka ka jireen hogaamiye kooxeedyada, waxaana xilkaas kala wareegay Midowgii Maxkamadihii Islaamka ee sanadkii 2006-dii ka talinayay Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.
This must the most suicidal tfg. In Shabeellada Hoose, Jubbooyinka, Puntland and now in Galgaduud the TFG is unpopular.