Iska horimaad culus Gawsa-weyne ku dhexmaray beelaha-habaryoonis iyo habar jelco ee halkaas wada-dega
Dagaalo qasaadho badan gaystay Deegaanka Gawso’weyne Ku Dhex Madhay Beelo Xagaasi Wada Dega
Writen by Qadhan News | Published: Aug 21st, 2013 at 02:46 PM
Ceel-afweyn-(Qadhan-news)-Wadhadh goodh dhaweyd Qadhannews ka heshay ilo wareedyo rasmi ah ayaa tibaxaaya in maanta dagaal aad u xoog badan ku dhexmaray degaanka
Gaws-weyne (Badhiga Somaliland) labada beelood ee Sacad yoonis iyo iyo beesha reer Iidleh(Biciide) oo wada dega aagaasi.
Sida xoguhu sheegayaan beesha Sacad Yoonis(Habar Yoonis) ayaa laga dilay laba Nin,halka beesha Muuse Abokorna(Habar Jeclo) laga dilay hal nin.
Geesta kale ilaa hadda ma jiro wax wara oo ku saabsan iska horimaadkaas oo ka soo baxay xukumaada Siilanyo oo iyadu maalmahanba ku mashquulsan
kala daadinta shir beeleed Beesha Sacad Muuse uga socda degaanka Agabar.
Hase ahaatee waxa jira dhaq dhaqaaq xoogan oo arintaasi lagu daminaayo oo ay hormood ka yihiin hogaamiye dhaqameedyo, arimaha noocani ah ayaa yaalaa dalka ka dhaca iyada oo xukumadu ay ka saxeetay ka hortaga mushkiladaha noocani isla markaasina ku soo toosta uun marka ay masiibo dhacdo, taasi oo arimaha ka hortaga mushkiladaha noocani ay xukumada Siilaanyo ayna haba yaraatee waxba ka qaban





