Page 1 of 1

Universal T.V Covers The Failure Of Hassan Shek 1 Year Later

Posted: Sat Aug 24, 2013 11:30 pm
by oxymoron
DAAWO VIDEO:— Doodwadaag Universal TV:– DF halkii sano ay jirtay maxay ka qabatay wixii loo doortay???




Dowladda Federaalka ee u hogaamiyo Madaxweyne mudane Xasan Sheekh ayaa ku guuldareysatay halkii sano ay jirtay howshii uu balanqaaday inuu hirgeliyo. Howshaas oo ahayd tii uu madaxweyne Xasan Sheekh uu balan qaaday inuu dowladdiisa hirgelin doonto, taasoo ahayd 6-dii (lixdii) tiir.
Shalay oo ay taariikhdu ahayd 21 August ee 2013 ayaa Barlamaanka Federaalka jirsaday 1 sano iyadoo uu madaxweyne Xasan Shiikh-na ay sanadguuradiisii ka dhiman tahay 1 bil oo ah markii la doortay, taasoo ahayd 10 Sept. 2012.
Haddaba maxay ahayd 6-dii tiir ee uu madaxweyne Xasan Sheekh ballan qaaday inay Dowladdiisu hirgelin doonto:-
1) Nabadgalyo iyo la dagaalanka kooxaha nabad-diidka ee Al-Shabaab
2) Garsoor iyo cadaalad( Hantidii gaarka iyo tii qaranka oo la soo celiyo)
3) La dagaalanka musuqmaasuqa iyo in dowladda la gaarsiiyo gobolada dalka
4) Hirgelinta maamuladii federaalka
5) Ilaalinta midnimadii Soomaliyeed iyo
6) Dib u soo celin xiriirkii caalamiga ee dunida lala wadaagay.

Doodda ayaa waxaa la isu keenay ragga kala ah Avv. Cumar Dhageey oo ah aqoonyahay sharciyaqaan ah oo ku nool waddanka Ingriiska, Dhaashane oo ah aqoonyahan aad uga faalooda arrimaha iyo siyaasadda Somalia iyo Haabiil Cabdi Haybe oo ah dadka u ololeeyo jaaliyadda UK islamarkaana ay DF usoo xilsaartay waddanka Ingriiska.
Barnaamijka Doowadaagga ayaa xalay oo taariikhda ahayd 21/8-2013 ka baxay teleefishinka Universal TV