Wafdigii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhow dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib markii diyaarad Helicopter ah ay ka soo qaaday magaalada Marka, halkaasoo uu shalay gaaray.
Madaxweynaha iyo xubno ka mid ah wafdigiisa ayaa diyaarada Helicopter ay ka soo dejisay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo qeybta kale ee wafdigiisa iyo kolonyadii u gelbisay magaalada Marka ay safar dhulka ah ku soo baxeen.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii u horeysay xalay ku hoyday magaalada Marka, halkaasoo uu kula kulmay odayaasha deegaanka, waxgaradka iyo qeybaha bulshada oo uu kala hadlay sidii loo hormarin lahaa gobolka, amniga iyo maamul dadka deegaanka soo doortaan.
I will not be killed until i finish my story