Here is the full report :
Moderator: Moderators








Muqdisho:Madax,siyaasiyiin, xildhibaano iyo waxgarad kasoo jeeda Jubooyinka oo maanta wadaqadeeyay
Source : http://dhanaan.com/muqdishomadaxsiyaasi ... aysawirro/
Kulamadii wadatashiga Jubba oo maanta soo dhamaaday(+Sawiro)
Published: September 10, 2013
Kn:Kulamadii ka socday magaalada Muqdisho oo looga danlahaa in lagu soo afjaro isfahamwaagii ka taagnaa Jubbooyinka ayaa maalintii saddexaad saaka ka bilawday xarunta nabad sugidda Qaranka oo ah meesha Hoggaanka Juba Axmed Maxamed Islaan uu ka daggan yahay Muqdisho.
Kulamadii maanta oo ay goobjoog ka ahaayeen qaarkood wasiiro dhawra oo loo xilsaaray ayaa dhamaantood kusoo dhamaaday is afgarad iyo isfaham guud.
Kadib kulamadii jaaliyadaha iyo oday dhaqameedyada ayaa waxaa waftigii Kismaayo ka timid Qadasharaf usameeyey odayo dhaqameedyo kasoo jeeda Jubbooyinka oo dhamaantood ahaa kuwii awal khilaafku ka dhaxeeyay maamulka Axmed in badana saxaafadda ka hadli jiray.
Qada sharafta kadib waxaa goobta ka hadlay Cabdiqaadir Sheekh Maxamed (Luga Dheere) isagoo soo dhaweeyey martida ugana mahadceliyay inay aqbaleen casuumadda. Lugadheere ayaa shaaciyay in waxii mucaarad ahaa iyo gogoshii Muqdisho ee arimaha Jubbooyinka in maanta waxii ka dambeeya la xiray gogoshiina loo raray magaalada Kismaayo.
Kuxigeenka 1aad ee Hoggaamiyaha Maamulka Juba oo ka hadlay ayaa isna amaanay hormarka dhanka nabadda iyo isfahamka dhexmaray maamulka iyo dadkooda. Kadibna waxaa hadal kooban ka jeediyay Hoggaamiye Axmed Maxamed Islaan oo u mahadceliyay odaya dhaqameedyada iyo gogosha. Axmed ayaa balanqaaday in gogosha Jubba Kismaayo laga furi doono waxwalbana lagu dhameyn doono halkaas.
Wasiirka Warfaafinta cabdullaahi Ciilmooge Xirsi oo madasha soo xiray ayaa ku dheeraaday muhiimadda nabadda iyo heshiisku u leeyahay dawladda iyo maamulka Juba. Waxuu wasiirku u mahadceliyay odaya dhaqameedyada iyo khaasatan Suldaan Luga dheere oo gogoshan gurigiisa ku fidayay.
Waxaa goobjoog ahaa xildhibaano badan, dumar iyo dhamaan saxaafadda gudaha ka hawlgasha waxuuna marag u ahaa qadadadani in lasoo afjaray kulamadii gaargaarka ahaa ee udhaxeeyey maamulka Juba iyo jaaliyadaha kusugan Xamar ee kasoo jeeda jubbooyinka.
Source : http://kismaayonews.com/2013/09/10/kula ... dhamaaday/

Return to “Politics - General Discussions”
Users browsing this forum: No registered users and 8 guests