Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Breaking News: Al-presidente Culusow gives speech in Mogadis

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Somali-Transporter
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4064
Joined: Thu Jun 15, 2006 8:19 pm
Location: ******
Contact:

Breaking News: Al-presidente Culusow gives speech in Mogadis

Postby Somali-Transporter » Tue Sep 10, 2013 9:02 am

Kal-fadhigii Saddexaad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta ka Furmay Muqdisho iyo Madaxweynaha oo Khudbad ka jeediyay
Image

Talaado, September 10, 2013 (HOL) — Kal-fadhigii saddexaad ee baarlamaanka Somalia ayaa maanta ka furmay Muqdisho iyadoo uu hadal dheer ka jeediyay madaxweyne, Xasan Sheekh Maxamuud kaasoo uu kaga hadlay waxqabadka xukuumaddiisa tan iyo markii isaga la doortay.

Furitaanka baarlamaanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoonka sare ee baarlamaanka iyo xildhibaannada, waxaana hadal kooban ka jeediyay halkaas Prof. Maxamed Cismaan Jawaari oo ah guddoomiyaha baarlamaanka, isagoo sheegay in labadii kal-fadhi ee hore ay wax badan u qabsoomeen baarlamaanka ayna rajeynayaan in howlaha kale ee haray ay ku qabtaan kulammada soo socda.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa fasax ku jiray bil, iyadoo bishii kale ee fasaxooda ay galeen kulammo aan caadi ahayn oo ay ku ansixiyeen hidise-sharciyeedyo ay xukuumadda Somalia u soo gudbisay, kuwasaoo ay ku jireen sharciga la dagaalanka argagaxisada iyo kan dhismaha maamullada gobollada dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay ku guuleysatay waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin inay soo celiso xiriirkii caalamiga ah ee Soomaaliya ay dunida la lahayd, sidoo kale wuxuu sheegay in waxyaabo kale oo badan ay doonayaan inay qabtaan dhowrka sano ee soo socda.

"Waxyaabo badan ayay dowladdu ku guuleysatay tan iyo markii la dhisay, kuwaasoo ay ka mid yihiin wax ka qabashada ammaanka," ayuu madaxweynuhu ku sheegay khudbadda uu ka jeediyay furitaanka baarlaamaanka.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu xusay in dowladdiisu ay ay isbedello la taaban karo ku sameysay hay'adaha dalka qaarkood sida cadaaladda iyo maaliyadda, isagoo xusay inay ku rajo-weyn yihiin in dhaqaalaha dalka uu soo laabto, cadaaladduna ay noqoto mid uu qof walba oo Soomaaliyeed ku kalsoonaan karo.

“Barlamaanku wuxuu qabtay howlo fara badan oo ay ka mid yihiin ansixinta xukumadda, maaliyadda iyo dib u eegista dastuurka. Shacabkuna wuu ku faraxsan yahay shaqada aad haysaan,” ayuu madaxweynaha Soomaaliya ku yiri hadalkii uu ka jeediyay baarlamaanka.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay in barlamaanka iyo guddiyadiisu ay ka warhayaan xukumadda lana xisaabtamaan. Isagoo tusale u soo qaatay inay horay ra’iisul wasaaraha iyo wasiirro ay u yeereen si ay warbixinno uga dhageystaan.

“Hadafkeennu waa inaan dalka gaarsiinon doorasho xor ah oo qof walba codkiisa dhiibto haddii Alle idmo, waan gaarsiin doonnaa,” ayuu madaxweynuhu mar kale yiri, isagoo hadalkiisa ku daray. "Goor dhow waxaan billaaban doona mashaariic lagu dayactirayo waddooyinka iyo xarumaha bulshada."

Madaxweynuhu wuxuuu dhanka kale sheegay in isbedel lagu sameeyay taliska ciidamada qalabka sida iyo xoogga dalka, booliiska iyo nabadsugidda, kuwaasoo loo magacaabay xubno la oran karo waxbay ka qaban karaan xaaladaha ammaan ee dalku ku sugan yahay.

Inkastoo madaxweynuhu uu sheegay inay wax badan qabatay dowladda Soomaaliya halkii sano ee ay jirtay ayaa haddana waxaa jira dhaliilo ay shacabku u jeedinayaan kuwaasoo ay ka mid yihiin in ammaanka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho uusan ahayn mid xilligan la isku halleyn karo.

http://www.hiiraan.com/news/2013/Sept/w ... -33270.htm

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 23 guests