Page 1 of 1

President Faroole Brusseles A Victory For Somalia...........

Posted: Tue Sep 17, 2013 5:53 am
by oxymoron
Shirkii Brusseles oo soo dhamaaday iyo Madaxweyne Faroole oo guul ku tilmaamay (Sawirro)

Waxaa maanta magaalada Brussels xarunta Midowga Yurub ku soo dhamaaday shirka Hiigsiga cusub ee Somalia kaasoo Dalka Somalia loogu deeqay lacag gaaraysa hal-biylan iyo siddeed boqol oo lacagta yurub ah.
Hoggaamiyaha Midowga Yurub ninka lagu magacaabo Jose Manuel Barroso ayaa deeqdan ku dhawaaqay wuxuna sheegay 650-ka mid ah inuu EU ugu deeqay Somalia si uu uga soo kabto bur-burkii soo gaaray labaatan sano ka badan.
Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay dhaqaalaha beesha caalamka ay Somalia ugu talo gashay inuu ku bixi doono si nidaamsan isla markasna xooga lagu saari dooni sidii loogu horumarin lahaa bulshada, caafimaadka,waxbarashada ammaanka iyo hay’addaha dowliga ah, wuxuna cadeeyay inay ka go’an tahay 3-sano ee soo socota inuu isbadal muuqda dalka uu gali doono.
Dhinaca kalana Madaxweynaha Puntland Dr. C/raxmaan Faroole ayaa khudbad ka jeediyay shirka Brusseles, isagoo ka hadlay xaalka Soomaaliya iyo doorkii ay Puntland ku laheyd dhisitaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya,isagoo ugu mahad-celiyay Wadamadda EU inay Soomaaliya ugu deeqeen lacag gaareysa 650-Malyan Euro.

Image
Image

:stylin: :dj: :eat:

Re: President Faroole Brusseles A Victory For Somalia.......

Posted: Tue Sep 17, 2013 5:56 am
by SomaliDefenceCouncil
Punlanders protesting outside :stylin:
Image