As usual.
Qarax ay waxyeelo kasoo gaartay ganacsade u dhashay dalka Yemen oo ka dhacay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho
Sabti, September 21, 2013 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof oo ku jiro ganacsade Somali ah ayaa ku dhintay saddex kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaareen qarax
maanta ka dhacay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, iyadoo la sheegay in dadka dhaawacmay uu ku jiray ganacsade u dhashay dalka Yemen oo ka socday
shirkad Soomaaliya keenta oomada dharka lagu dhaqdo.
Qaraxan oo ka dhacay qaybta sarrifka lacagaha ee Bakaaraha ayaa waxaa la sheegayaa in lagu weeraray goob ay ku sugnaayeen dad u dhashay dalka Yemen
kuwaasoo halkaas u joogay inay kormeeraan shirkad Soomaaliyeed oo oomada kasoo gatada shirkaddooda.
Lama oga cidda ka dabeysa weerarkan, waxaase uu noqonayaa madkii ugu horreeyay oo waxyeello ay kasoo gaarto dad ajnabi ah oo ka dhaca gudaha Suuqa
Bakaaraha oo ah kan ugu weyn magaalada Muqdisho.
Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa halkaas ka qaaday dadkii waxyeelladu soo gaartay ee isugu jiray
ajnabiga iyo Soomaalida.
Howl-gallo ay ciidamadu sameeyeen ayay kusoo qabqabteen dhowr qof oo lala xiriiriyay in weerarkaas ay ku lug lahaayeen , iyadoo weli ay howlgalladu ka socdaan
halkaas, waxaana uu weerarkan saameyn xooggan ku yeeshay howlihii ganacsi ee suuqaas ka socday.
Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa bilihii lasoo dhaafay ka dhacayay falal isugu jira qaraxyo iyo dilal qorsheysan, kuwaasoo qaarkood ay sheegatay inay ka
mas’uul tahay Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya iyo kuwa gacanta siinaya ee AMISOM.
Waa markii ugu horreysay oo qof u dhashay dalka Yemen uu dhaawac kasoo gaaro qarax ka dhacay magalada Muqdisho, waxaana tani ay kusoo beegmaysaa
xilli wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Qaranka dowladda Soomaaliya uu booqasho ku joogo dalka Yemen.
Dhaawaca muwaadinka u dhashay dalka Yemen iyo dadka kale ee Soomaaliyeed ayaa lagu daweynayaa isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, halkaasoo
uu dhaawac ahaan ugu geeriyooday ganacsadaha Soomaaliyeed oo markii hore ku dhaawacmay qaraxa.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
http://www.hiiraan.com/news/2013/Sept/w ... -33418.htm





