Mudaharaadyo Rabshado Wata Oo Ka Dhacay Laascaanood-
Lasanod Online. Friday, September 27, 2013
Laascaanood:- Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa waxaa maanta ka dhacay banaan-bax rabshado wata oo ka dhan ah..
ganacsatada kasoo jeeda gobollada Koonfurta ee Soomaaliya.
Booliiska magaalada Laascaanood ayaa isku dayay sidii ay uga hortegi lahaayeen mowjado dad ah oo isugu jira dumar iyo caruur, kuwaasoo duullaan ku ah ganacsatada kasoo jeedda gobollada Bay iyo Bakool ee meheradaha kala duwan ku haysta suuqa ugu weyn Laascaanood.
Ganacsatada ay dadka cadhysni maanta weerareen, ayaa waxyaabaha lagu eedeeyey waxaa kamid ah: in meheradaha ganacstada deegaanku ku shaqeystaan ay ku dul kireystaan, kaddib marka ay mulkiileyaasha iska leh lacago badan u sheegaan iyo weliba in badeecooyinka ay ku iibiyaan qiime aad u jaban.
C/qaadir Jaamac Saalax oo ah duqa magaalada Laascaanood ayaa isagoo dhacdadan ka hadlaya wuxuu ku tilmaamay qalad, isagoo sheegay im maamulka degmadana ay mas'uuliyadi ka saaran tahay sidii ay wax uga qaban lahaayeen.
Ganacsatada kasoo jeeda gobollada Bay iyo Bakool oo qaarkood ay muddo dheer degenaayeen magaalada Laascaanood, ayaa waxay ka ganacsadaan dharka iyo bagaashka, iyagoo inta badan ka qiima jaban kuwa deegaanka, waxaasa ay dhowaan bilaabeen inay meherado waaweyn ka sameeyaan jidadka muhiimka ah halkii ay awel wadhato ka ahaayeen suuqa Laascaanood.
Suuqa ayaa laga maqlayaa rasaas teel-teel ah oo ay ciidamada boolisku xilliyo gaar ah ridayaan si ay u kala eryaan boqollaal dad ah oo cadheysan.





