Guddi gaar ah oo u xilsaaran qabanqaabada wafdiga Dowladda Galmudug ayaa abaabulay kulan weyne noociisa oo kale u dhex marin wufuuda Galmudug iyo jaaliyadda Soomaalida ee ka soo jeeda gobolada dhexe iyo Dowladda, iyadoo sidoo kale ay ka soo qeyb galeen madax, sarakiil iyo xubno ka tirsan hay'adaha kala duwan ee maamul goboleedka Galmudug.
Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa khudbad dhinacyo fara badan taabaneysay waxa uu u jeediyay ka soo qeyb galayaasha kulanka, wuxuuna Madaxweynuhu u sharxay ujeedada loo asaasay maamulka Galmudug.
"Dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Sweden waxaan farayaa inay ka faa'iideystaan fursadaha shaqo ee yaala dalkooda" ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug oo sheegay gaar ahaan gobolada uu ka taliyo maamulkiisa inay ka jiraan mashaariic fara badan oo u baahan in laga faa'iideysto.
Haddaba khudbadii Madaxweyne Cabdi Qeybdiid uu u jeediyay jaaliyadda oo aan sideeda idinkugu soo gudbinay waa tan hoos ku qoran:-
GALMUDUG STATE OF SOMALIA QUDBO!
PRESIDENT ABDI XASAN AWALE Jimco 27/9/2013
MAHADCELIN
1. Guddiga qabanqabada xafladan Mudanayal iyo marwooyin Jaaliyadda Galmudug, Culimadda, Haweenka, Dhalinyarada, Ururada bulshada iyo dhamaan dadweynaha Soomaaliyeed.
HORUMARKA GALMUDUG
a. Amniga iyo Nabadaynta
b. Arimaha bulshada..Waxbarashada, Caafimaadka iyo Biyaha
c. Maamul Wanaaga (Team Work)
d. Cadaalada iyo Sinaanta
e. Ganacsiga
Dhismaha iyo Dayactirka Xarumaha maamulka.
Tababarka Ciidamada Booliska, Darawiishta & Asluubta.
Tababarka Garsoorayaasha maxkamadaha.
XIRIIRKA KA DHEXEYA GALMUDUG IYO
1- Dowlada Federaalka Somalia,
2- Maamulada Dariska.
3- Bulshada Caalamka.
HADAFKA GUUD EE GALMUDUG
1. Balaarinta Galmudug
2. Xoojinta nabadgalyada iyo midnimada
3. Airpoorka & Wadooyinka GALKACYO
4. Dekadda & Airpoorka HOBYO
5. Kobcinta Ganacsiga
6. Ka hortaga xaalufinta dhirta
Shirka maamulka usamaynta iyo midaynta gobolada dhexe waxaa kasoo qaybgalay Galmudug,Hiiraan, Ximan & Xeeb, Ahlu sunah, Galgaduud iyo Dowlada Federaalka Somalia. Waxaana shirka maalgaliyay Hay’adaha CRD iyo FCA
Shirkii Muqdisho ee Juun,2013
Shirka la qabandoono ee Nayroobi
Shirarka Mustaqbalka ee maamul Midaysan G/Dhexe
Si loo meelmariyo hadafka maamul guud: Waxaan Diyaar u nahay si loo midoobo loona helo maamul loo dhanyahay inaan ka tanasulo MAGACA, MASUULIYADA iyo DASTUURKA.
UGU DAMBAYNTII: MAHADCELIN Kadib. Waxaan dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkan Sweden ku boorinayaa inay ka faaiidaystaan fursadaha Aqooneed ee taala dalkan sida Waxbarshada Caafimaadka ,Tignolejiga, Scienska, Injireeriyada, maamulka iyo Maaraynta iwm.





