


Warbaahinta Xogmaalmedia.com ayaa maalmahan ku mashquulsaneed baaritaanka safar uu madaxweynaha Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamuud Faroole ku tagay wadanka Yemen, kaasoo uu kulamo kula soo qaatay madaxda kala duwan ee dalkaasi.
Faroole marki uu booqday Magaalada Sanca ee xarunta Dalka Yemen, waxaa uu kala kulmay soo dhaweyn aad u balaaran, iyadoo loo sameeyay maqaam aad u sareeya, waxaana ay kulamo hoos ay ku qaateen xarunta madaxtooyada Yemen iyo qaar ka tirsan Hoolalka wasaaradaha gaashaandhiga iyo kuwa arimaha dibada ee dalka Yemen.
Xogmaalmedia.com oo Isha ku heysay kulamadii ka dhacayay magaalada Sanca waxa ay ogaatay in Madaxweynaha Puntland Faroole loogu soo deeqo Hub aad u fara badan, kaasoo madaxweynaha Puntland awood u siinaya inuu Gobolka sii maamulo.
Taariikhda marki ay ahayd 8 aad 9aad ilaa 10aad waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Garowe ka dagayay Diyaarado dhowr ah, kuwaasoo xambaarsanaa Hub aad u badan, xiligaasi Garoonka cid kuma sugneyn.
Xiligii ay diyaaradaha soo dagayeen waxaa goobta diyaar ku ahaa Gaadiid aad u fara badan, kuwaasoo diyaaradaha hoosta kaga jiray, kana soo daabulayay Hubka saaran, waxaana sidaasi warbaahinta xogmaalmedia.com u xaqiijiyay dad goob joogayaal ah.
Siyaasiyiinta Puntland ayaa aad uga cabaaday in xiligan Hub la soo galiyo deegaanada Puntland, iyagoo ku tilmaamay mid uu awooda ku adkeysanayo madaxweynaha talada dalka haya ee Faroole.
http://xogmaalmedia.com/xog-la-helay-fa ... cadeymaha/









