Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Graduation xaflad Hotelka Al-Hindi ee degmada Xamar Weyne

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Somali-Transporter
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4064
Joined: Thu Jun 15, 2006 8:19 pm
Location: ******
Contact:

Graduation xaflad Hotelka Al-Hindi ee degmada Xamar Weyne

Postby Somali-Transporter » Fri Oct 18, 2013 9:42 am

Xaflad si heer sare ah loo soo qaban qaabiyay oo shahaadooyin lagu gudoonsiinayay ayaa maanta ka dhacday Hotelka Al-Hindi ee degmada Xamar Weyne, kaasoo shahaadooyin lagu gudoonsiiyay Arday dhameysatay barashada Computer-ka oo la qalin jebiyay Machadla Marwaas Tech-Computer Center.

Ardayda la gudoonsiiyay Shahaadooyinka ayaa gaarayay ilaa 80-arday oo isugu jiray, wiilal gabdho iyo odayaal da'ah, taasoo muujineysa in waxbarashada ay tahay muhiim.

Xildhibaan Maxamed Sh. Cali (Oobo) oo ugu horeyn ka hadlay xaflada ayaa sheegay in waxbarashadu ay muhiim tahay, isagoo ku amaanay in dadka da'da ah ee ka qalin jebiyay Machadka sida ay ugu dhiiradeen inay wax bartaan.

Sidoo kale waxaa ka hadlay Munaasabada Xaaji Abuukar Aweys oo ka mid ah odayaasha dhaqanka beelaha banaadiriga, kaasoo xusay in waxbarashadu ay waajib tahay in lagu dadaalo, isagoo tibaaxay in la iska dhaafo waxyaabaha aan qiimaha laheyn.

Intii ay socotay Xaflada ayaa waxaa lagu soo bandhigay Ruwaayad ka hadleysay qiimaha ay leedahay waxbarashada, waxaana aad ula dhacay ruwaayada marti sharaftii ka qeyb gashay xaflada

Ugu dambeyn waxaa munaasabada ka hadlay Maamulaha Machadka Marwaas Tech-
Computer Center Al-Ustaad C/Qaadir Siidow Ibraahim ( Garwaal) oo sheegay inuu ku faraxsan yahay in maanta ay qalin jebiyaan arday isugu jirta dhalinyarada iyo kuwa da'da ah, waxaaa uu tilmaamay in Machadka Marwaas uu deeq waxbarasho lacag la'aan u fidiyay dhalinyaro jecel inay wax bartaan.

Maamulaha Machadka Marwaas Tech-Computer Center ayaa amaan u jeediyay macalimiinta kala qeyb qaadatay dadaalka waxbarashada iyo soo saarida dhalinyaro fir fircoon oo bartay culuunta kala duwan.

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: Garadkin and 31 guests