Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

admiral mentalli from italy meets defence minister

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Somali-Transporter
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4064
Joined: Thu Jun 15, 2006 8:19 pm
Location: ******
Contact:

admiral mentalli from italy meets defence minister

Postby Somali-Transporter » Thu Oct 24, 2013 11:43 pm

the somali defence minister have been screaming for weapons, and i think its just about time. they hand that over to us.

Wasiirka Difaaca Somalia iyo Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka oo kulan la qaatay Saraakiil ka socotay Talyaaniga (SAWIRRO)
Image

Khamiis, Oktoobar 24, 2013 (HOL) — Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdixakiin Maxamuud Faqi oo ay wehliyeen agaasimaha guud ee wasaaradda, Cabdulle Maxamuud, taliyaha ciidamada xoogga dalka, Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe), abaanduulaha, Jen.C/risaaq Khaliif Cilmi iyo saraakiil ka tirsan ciidammada xoogga dalka ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee Muqdisho kula kulmay wafdi ka socday Talyaaniga uu horkacayay taliyaha guud ee ciidamada difaaca Talyaaniga, Admiral Luigi Binelli Mantelli kaasoo maanta booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho.

Admiral Mantelli ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehlinayay Saraakiil iyo ciidan, iyadoo kulanka ay la qaateen mas’uuliyiinta wasaaradda difaaca Soomaaliya iyo taliska ciidamada xoogga ay goobjoog ka ahaayeen safiirka Soomaaliya u fadhiya Talyaaniga, Jen. Muuse Xasan iyo danjiraha Talyaaniga ee Somalia, danjire Andrea Messella.

Kulanka oo ahaa mid saacado badan qaatay oo ay albaabbadu u xirnaayeen ayaa lagu lafa guray muddadii uu socday doorka uu Talyaaniga ka qaadan karo tayeynta iyo qalabeynta ciidamada Soomaaliya gaar ahaan milateriga.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa ku dheeraaday horumarradii ugu dambeeyay oo ay dowladda Soomaaliya ka gaartay dhinac amniga iyo caqabadihii ka horyimid; waxaana sidoo kale uu wasiirku codsaday in la dardar-geliyo dadaallada ay dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga isaga kaashanayaan soo celin ammaanka Soomaaliya.

Image

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in Al-shabaab ay khatar ku yihiin amniga guud ee gobolka loona baahan yahay in si wadajir ah looga qaybqaato sidii lagu dabar-goyn lahaa.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka, S/guuto Daahir Aadan Cilmi oo isna hadal ka jeediyay kulanka ayaa tilmaamay in ciidamada milateriga u baahan yihiin in laga caawiyo dhinacyada qalabeynta iyo tababbarrada si ay u dardar-geliyaan dadaalladdooda ku wajahan la dagaalanka argagixisada.

Jen. Indho-qarshe ayaa farta ku fiiqay in Somalia ay leedahay labo cadow oo kala ah Al-shabaab iyo burcad-badeedda kuwaasoo khatar ku ah jiritaanka iyo xasilloonida dalka iyo nabadgalyada shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, waxaa kulanka isna ka hadlay taliyaha guud ee ciidanka dalka Talyaaniga, Admiral Luigi Binelli Mantelli isagoo sheegay in Talyaaniga ay ka go’an tahay kordhinta taakuleynta iyo tababaridda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, gaar ahaan milateriga iyo booliska wuxuuna xusay in haatan uu indhihiisa ku arkay isbedel muuqdo oo ay dowladda Somalia ka gaartay xagga nabadgalyada dalka oo ay ciidamadu magaalooyin fara badan ka saareen Al-shabaab.

Kulankaan ayaa qayb ka ah hirgelinta heshiiskii ay 17-kii bishii September magaalada Rome ku wada-saxiixdeen wasiirrada difaaca Soomaaliya iyo Talyaaniga, kaasoo qodabbadii lagu gaaray ay ka mid ahaayeen qalabeynta iyo kordhinta tababbarrada ciidamada xoogga si loo soo af-jaro jiritaanka Al-shabaab iyo xulafadooda ajaaniibta ah ee ka dagaalamaya Soomaaliya.

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: mahoka and 34 guests