Referee Calanwade are Present
Striker Position to kick the foodball
Goaly eyes open checking where the shots coming from
The game has started.
http://radiomuqdisho.net/mudanayaasha-b ... oomaaliya/
Mudanayaasha Baarlamaanka oo Bilaabay Ka Doodista Mooshinka Kalsooni Kala Noqoshada Xukuumadda Soomaaliya
Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhow bilaabay ka doodista mooshinka kalsoonida kala noqoshada Xukuumadda uu hogaamiyo Ra’iisul wasaare Cabdi Faraax Shirdoon “saacid”
Kulanka baarlamanaka ayaa waxaa shir gudoominaya guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan jawaari waxaa sidoo kale jooga guddoomiye ku xigeenada baarlamaanka,waxaana kalfadhiga maanta soo xaadisay 230 xildhibaan.
Xildhibaan Khaalid Cumar Cali ayaa mudanayaasha baarlamaanka ka hor aqriyay magacyada 168 xildhibaan oo soo gudbiyay mooshinka kalsooni kala noqoshada xukuumadda uu hogaamiyo ra’iisul wasaare saacid.
Xildhibaanada ayaa hada guda jira ka doodista mooshinka kalsooni kala noqoshada xukuumadda.
Waan idiin soo gudbin doonaa wixii war oo ka soo kordha dooda baarlamaanka hadii alle idmo.



