Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa lagu wadaa in goor dhow uu shir jaraa’id qabto, iyadoo Wariyeyaasha warbaahinta kala duwan looga yeeray Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Shirka jaraa’id uu qabanayo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku soo aaday, iyadoo uu socdo dood Xildhibaanada Baarlamaanka ka leeyihiin mooshinka kalsooni kala noqoshada ee ay todobaad ka hor soo gudbiyeen ilaa 168-xildhibaan.
Warar ku dhow dhow xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ay heshay Jowhar.com ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha uu ka hadli doono mooshinka ay ka doodayaan Xildhibaanada iyo diidmadii Xildhibaanada oo ahaa inuu hortago Baarlamaanka.
Lama oga waxa dhici kara, inkastoo dhowr jeer oo Wariyeyaal looga yeeray xafiiska intii uu jiray Khilaafka siyaabo kala duwan loo fasiranayay, hase ahaatee u yeeristan Warbaahinta ayaa ah mid shaki badan laga muujinayaa, xilli Baarlamaanka uu maalintii labaad dood kulul ka leeyahay Mooshinka laga soo gudbiyay.
Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe
http://allguriceel.com/



