Gurguurte aka Spokesman of Damjadiid celebrates the forced resignition of Saacid by Amisom Parliament.
Damjadiid the feared political wing of Harakada Amisom has won its first political battle.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Soo Dhaweeyay Go,aankii uu Baarlamaanka Codka Kalsoonida Kala Laabtay Xukuumadda Soomaaliya
Published on December 2, 2013 by Maalik Som · 3 Comments
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud aya asoo dhaweeyay go,aankii uu baarlamaanka soomalaiya codka kalsoonida uu kala laabtay xukuumadda uu hogaamiyo ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).
Madaxweynaha oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada soomalaiya ayaa guddoonka baarlamaanka iyo mudanayaasha baarlamaanka ku amaanay go,aanka geesinimada leh oo ay qaateen,waxana uu sheegay in uu go,aankaasi ka turjumayo sida ay u xooganyihiin hay’adaha dimoquraadiga ah ee dalka.
Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay xukuumadda uu hogaaminaya ra’iisul wasaare saacid.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Ra’iisul wasaare Saacid iyo golihiisa wasiiradda ay sii dhaqeyn doonaan inta uu ka soo magacaabayo ra’iisul wasaare cusub.
Madaxweynaha waxa uu sheegay in sida ugu dhaqasaha badan uu ku soo magacaabi doono ra’iisul wasaare si uu u soo dhiso xukuumad cusub.
Madaxweynaha ayaa shacabka soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka fogaadaan waxyaabaha khilaafka keeni karo,isagoo sheegay in hadii khilaaf dhaco lagu kala baxayo dastuurka dalka u yaala.



