Warar horudhac oo ay heshay wakaaladda wararka ee Warqaad.com ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho uu ku soo wajahan yahay Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo wararku ay sheegayaan in xilka ra’iisul wasaarenimo lala doonayo.
Socdaalka Farmaajo ayaa salka ku haya codsi uga yimid madaxweyne Xasan Sheekh oo ku howlan soo xulashada cidda uu u dooranayo ra’iisul wasaaraha labaad ee dowladdiisa ay yeelanayso.
Siyaasiyiin, Odayaal iyo xildhibaanno ka soo jeeda Beesha Mr Farmaajo ayaa garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ku soo dhoweynaya, warar iskhilaafsan ayaana hadda ay heleysaa Warqaad.com kuwaasoo qaarkood sheegaya in dib uu u dhacay imaatinkii Muqdisho ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in Madaxweynaha la tashiyo badan oo uu sameeyay kadib lagu la taliyay in masuulka shacabka ay rabaan uu soo doorto si xukuumadda soo socota ay dalka u gaarsiiso horumar balaaran.




