Madaxweynaha Somalia Xasan Sh. Maxamuud ayaa ka hadlay dagaalada ku saleysan habka beeleed ee ka socda Gobolada Koonfurta Somalia Qaarkood, isagoo sheegay in dagaaladaas ay wadaan kooxo Qas-wadayaal ah ayna ka qaadi doonaan talaabo adag.
Inkastoo Madaxweynaha Somalia uusan sheegin talaabada ay ka qaadayaan nooceeda ayaa hadana wuxuu sheegay in dagaaladaas ay yihiin kuwo ay ka shaqeynayeen siyaasiyiin uu sheegay inay kasoo horjeedaan Nabadgalyada iyo Horumarka ka socda Somalia.
"In xiligan ay Dagaalo Sokeeye oo fool xun ay ka dhacaan gobolada ay ka mid yihiin Shabeelooyinka iyo Hiiraan waa mid nasiib-daro ah; waana in si deg-deg ah loo joojiyaa, lana qaataa nabadda ay Dowladu hormuudka ka tahay. Waxaa jira kooxo ka faa'iideysanaya colaadaha, Ujeedadooduna ay tahay in la wiiqo horumarka, nabadeynta iyo dowladnimada Somalia," ayuu Madaxweyne Xasan Shiikh ku yiri warsaxaafadeed uu Maanta soo saaray.
Warsaxaafadeedka uu Madaxweyne DF kaga hadlay dagaalada socda ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo maalmihii u dambeeyay ay dagaalo culus ku dhexmarayeen Gobolka Shabeelaha Hoose Maleeshiyo Beeleed gacan ka helaya Ciidamada Milateriga DF.

Dozens have died in heavy battle that continue to rage between Somali Federal Government troops along clan loyalties in Lower Shabelle region of southern Somalia.
The deadly infighting broke out after argument over agricultural land, witnesses reporting dozens more wounded.
The Somali Federal Government troops sided with the rival clan militias from central Somalia and the ordinary Lower Shabelle residents fled the area where the fighting took place, eyewitnesses reported.
"Unfortunate battle has occurred in Awdegle village and soon after, it became heavier one which was joined by government forces," Mohamed Abukar Aweys, the village's head told the media via telephone.
Mogadishu-based Federal Government forces previously clashed in deadly battles over regional influences as retired warlords including Yusuf Mohamed Siyad Indha'adde who remains deeply unpopular in Lower Shabelle region retaliated with armed militias following the removal of Al Shabaab militants from the region.
Indha'adde is known to have used clan militias to subjugate local populations in the 2000s in Lower Shabelle region.
The UN Monitoring Group on Somalia and Eritrea said in a confidential report that, the 3rd Brigade of the Somali National Army (SNA) controls the Afgoye-Marka area of Lower Shabelle region.
"The 3rd Brigade is principally drawn from the Hawiye / Habar Gedir / Ayr clan. It consists of approximately 840 men...General Mohamed Roble Jimale 'Gobale' (Hawiye / Habar Gedir / Ayr), a close associate of Indha'adde, officially controls the 3rd Brigade", the UN report disclosed.





