Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Soon to be official Prime Minister condemn attack on doctors

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
BuuloXubeey
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1122
Joined: Sat Sep 07, 2013 12:18 pm

Soon to be official Prime Minister condemn attack on doctors

Postby BuuloXubeey » Thu Dec 19, 2013 9:07 pm

Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed ayaa si kulul u cambaareeyay dilkii loogu geystay duleedka Muqdisho dhakhaatiir isugu jirtay Soomaali iyo Suuriyaan, kuwaasoo ka howlgeli jiray Isbitaalka Fiqi oo ku yaalla deegaanka Siinka Dheer ee duleedka Muqdisho.

Cabdiweli Sheekh ayaa ku tilmaamay dilkaas mid arxan-darro ah oo laguna qal-qal-galinayo amniga shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in kuwii ka dambeeyay sharciga la horkeeno.

“Falkaas waa mid laga argagaxo oo islaamnimada iyo bani’aadamnimada aan raad ku lahayn, waana wax laga xumaado in weerar noocaas ah lagu qaado dhakhaatiir habeen iyo maalin u taagan sidii ay wax ugu qaban lahaayeen shacab ay colaado daashadeen. Waxaa dareemayaa xanuunka uu leeyahay dilka noocaan ah oo lala beegsanayo dadka halkan u yimid inay ka caawiyaan Soomaalida dhinaca caafimaadka, waxaan tacsi u dirayaa ehelkii iyo qoysaskii ay ka baxeen dhakhaatiirtaas,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Dhanka kale, ra’iisul wasaare Saacid ayaa tacsi taa la mid ah u diray qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay xildhibaan Xasan Muxumad Cali (Sokorliin) oo ku geeriyooday xalay magaalada Muqdisho, wuxuun ilaahay uga baryayay inuu Jannadiisa ka waraabiyo, samir iyo imaanna ka siiyo qoyskiisa, qaraabadiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Xildhibaanka ayaa ka mid ahaa xildhibaanadii baarlamaanka KMG ahaa ee lagu soo dhisay dalka Jabuuti sannadkii 2009-kii, iyagoo muddo xanuun uu ku yahay magaalada Muqdisho, ugu dambeynna xalay u geeriyooday.

Warsaxaafadeedka uu soo saaray ra’iisul wasaaraha cusub ee Somalia ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo uu soo saaro, iyadoo lagu wado inuu Sabtida hortago baarlamaanka Soomaaliya si codka kalsoonida ah loogu qaado.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 28 guests