Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

IGAD leaders meet in Nairobi -pics

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
XimanJaale
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12573
Joined: Wed Oct 27, 2010 4:15 am
Location: Buulo Xubeey, Wadajir District
Contact:

IGAD leaders meet in Nairobi -pics

Postby XimanJaale » Fri Dec 27, 2013 5:51 pm

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud oo ka qayb-galay shirkii madaxeedka dalalka IGAD ay Nairobi ku yeesheen maanta kaasoo looga hadlayay xaaladda dalka Koonfurta Sudan ayaa dalalka IGAD ugu baaqay inay juhdi ku bixiyaan sidii loo xalin lahaa colaadaha ka taagan dalka Koonfurta Suudaan.

Shirka hoggaamiyeyaasha dalalka IGAD ee Nairobi lagu soo gaba-gabeeyay ayaa waxaa ka qaybgalay madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, madaxweynaha dalka Uganda, Yuweri Museveni, ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Hailamarian Deselegn, madaxweyne ku xigeenka koowaad ee dalka Suudaan, Bakri Xasan Saalex iyo wasiirka arrimaha dibedda South Sudan.

Kulanka ayaa warbixin looga dhageystay booqashadii wasiirrada arrimaha dibadda ee IGAD ay ku tageen magaalada Jubba ee dalka Koonfruta Sudan 19-kii - 21-kii December 2013. Iyagoo kulammo lasoo yeeshay madaxda dalkaas.

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, Tedros Adhonom oo ku hadlayay magaca wasiiradda IGAD ayaa sheegay in Xukuumadda Koonfurta Suudaan iyo kooxaha ka soo horjeeda ay ogolaadeen dhexdhexaadin iyo xabad joojin si xal loogu helo khilaafaadka jira.

Madaxweynaha Somalia oo ka hadlay shirka ayaa ku nuux-nuuxsaday inay muhiim tahay in IGAD ay si wadajir ah oo deg-deg ah ugu tafa-xaytaan sidii xal deg-deg ah loogu heli lahaa colaadaha ka jira Koonfurta Suudaan.

"Waa inaan muujinnaa dadaal kasta oo aan u joojinayno dhiigga daadanaya, isla markaana aanu dhex-dhexaadin lahayn kooxaha dowladda kasoo hor-jeeda si nabad iyo amni looga dhaliyo Koonfurta Suudaan,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Isagoo intaa ku daray ayuu yiri: “Soomaaliya 22-sano oo colaado iyo rabshado ah ayay soo aragnay, sidaas daraadeed waxaan ka digeynaa in collaadaha ka billowday Koonfurta Sudan ay sii dabo dheeraadaan, waana in dowladda lagu taageeraa qorshaha dib-u-heshiisiinta iyo nabadeynta oo ay hormuud ka noqotaa; bacdamaa ay haysato sharciyadii dalka. diyaar bay Soomaaliya u tahay inay waayo aragnimadeeda uga faa'iidayso Koonfurta Sudan.”

Dalka Koonfurta Suudaan ayaa waxaa 12 maalmood ee lasoo dhaafay ka socday dagaallo ay ku dhinteen kumannaan qof oo shacab iyo ciidammo ah, iyadoo madaxda IGAD ay ku baaqeen in dagaalladaas si shuruud la’aan ah loo joojiyo lana bilaabo wadahadal muddo toban maalmood gudahood ah.
Image
Image

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 20 guests