Waxaa si habsami leh magaalada Jowhar uga socda dayactir ballaaran oo lagu sameynayo Wadada Laamiga ee Koontaroolka looga soo galo magaalada ee dhanka magaalada Muqdisho, halkaasoo lagu Laami lagu saarayo.
Dowlada Federaalka Soomaliya ayaa dayactirkan bilowday maalmo ka hor, iyadoo markii u horeysay muddo labaatan sano dayactir lagu sameynayo wadada laamiga ee dhex marta magaalada Jowhar ilaa Gobolada Dhexe.
Mashruucan oo ah mid bilow ah ayaa waxaa dayactirka wadada laamiga uu wajigiisa hore yahay ilaa 3-KM oo ka bilaabata Koontaroolka Jowhar looga soo galo ilaa Wadada Gaalshiraha ama xabsiga dhexe ee laamiga aada degmada Mahadaay.
Mas'uuliyiinta Shirkada dayactirka wada ayaa sheegay in mustaqbalka ay rajeynayaan in wadada laamiga ee Muqdisho ilaa Gobolada Dhexe ay dayactiraan, waxaana xilligan wadadaas ay tahay mid aad u bur bursan.
Inkastoo magaalada Jowhar ay ku jirto go'doon markii wadooyinka looga soo galo ay soo gaareen daadadka ka dhashay fatahaada wabiga Shabelle, ayaa hadana dadka reer Jowhar waxay aad ugu riyaaqeen dayactirka wadada laamiga oo aheyd mid aad u bur bursan sanooyinkii u dambeeyay, ayna ka dhici jireen shilal gaari.
http://www.jowhar.com/news.php?readmore=2622