Laanta Socdaalka Somaliland oo baadhaysa C/raxmaan Caynte oo Hargeysa ka wada Siminaaro aan la ogayn ujeedada ku Qarsoon
January 19, 2014
Hargeysa(Waaheen) Laanta Socdaalka Somaliland ayaa maanta u yeedhay C/raxmaan Caynte Hayadda-Sirdoonka-Maraykanka-Ee- Heritage Institute
for Policy Studies madaxa Hay’adda Heritage oo ka jirta Somaliya, kaasoo hore u ahaan jiray Wariye, waxaanay weydiiyeen su’aalo la xidhiidha
joogitaankiisa iyo Siminaarka uu wado.
Warar hoose oo Waaheen ka heshay talaabada ay Laanta Socdaalka Somaliland ugu yeedhay ayaa la sheegay in digniin la siiyey isla markaana lagu
amray inuu Dalka ka baxo, wallow warar kale sheegayaan in Damiin laga qaaday saaka, sida ugu dhakhso badana Dalka looga saarayo.
http://waaheen.com/?p=21529