Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Dowladda Somalia iyo Somaliland oo heshiis kala saxiixday

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
FarhanYare
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 17370
Joined: Fri Jun 17, 2011 10:06 pm
Location: Location:Location

Dowladda Somalia iyo Somaliland oo heshiis kala saxiixday

Postby FarhanYare » Sun Jan 19, 2014 11:31 am

Image
Axad, Janaayo 19, 2014 (HOL) — Dowladda Somalia iyo Somaliland ayaa heshiis hordhac ah maanta ku kala saxiixday magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, kaddib wadahadallo saddex maalmood qaatay oo ay halkaas ku yeesheen.

Heshiiska ayaa waxaa qodobbadiisa ka mid ah in lasii wado wadahadallada u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Somaliland in saddex bilood oo kasta ay mar kulmaan labada dhinac, kulanka afaraadna la isugu soo laabto muddo 90-maalmood gudahood ah.

Qodobbada heshiiska ayaa waxaa ka mid ah: In wadajir ah loo cambaareeyo dhibaatadii ay geysatay dowladdii milateriga ahayd ee Soomaaliya. Waxaa kaloo lagu heshiiyay qariidad sharraxeysa habka uu wadahadalku kusii socon doono, In qodobbada lagu heshiiyay sida ay u kala fudud yihiin loo kala hor-mariyo iyo kuwo kale.

Saxiixa heshiiska ayaa waxaa goobjoog ka ahaa danjiraha Turkiga u jooga dalka Somalia, Kamaaluddiin Kani Turan, iyadoo markii saxiixu dhacay lagu duceystay goobta, waxaana wafdiyada labada dhinac ay ammaaneen kaalinta ay Turkigu kaga jiraan wadahadallada.
Image
Wasiirka amniga Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ujeeddada dowladda Soomaaliya ay ka leedahay wadahadallada ay tahay sidii lagu qancin lahaa Somaliland ahmiyadda ay leedahay midnimada Soomaaliya.

Sidoo kale, wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis oo wafdiga ka socda Somaliland hoggaaminayay ayaa sheegay in wadahadalladu ay u dhaceen qaab aad u wanaagsan, isla markaana aanay jirin wax reebaya in la wadahadlo.

Inkastoo labadan dhinac ay gaareen heshiiskan hordhaca ah ayaa haddana waxaa hadallada ay jeediyeen labada mas'uul ee wafdiyada kala hoggaaminayay laga dareemayay inay weli ku kala aragti duwan yihiin labada dhinac sida loogu dhawaaqa qodobbada lagu heshiiyay iyo wixii laga wadahadlay.

Kulankan ayaan looga hadlin haba yaraateen gooni isku-taagga Somaliland, iyadoo sidoo kale aan weli gacanta loo gelin saxaafadda qoraalka uu heshiiska ay gaareen oo dhincyadu ay saxiixeen.
Image
Image
Image

User avatar
FarhanYare
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 17370
Joined: Fri Jun 17, 2011 10:06 pm
Location: Location:Location

Re: Dowladda Somalia iyo Somaliland oo heshiis kala saxiixda

Postby FarhanYare » Sun Jan 19, 2014 11:33 am

hiiraan online commenter:
Ina Shabeel · Top Commenter · Minneapolis, Minnesota
Cudur inaguma habsan ee xaqa iyo xaraanta ayaan kala sariweynay sida heshiskan waa xaraan Abgaal iyo Habargidir oo Isaaq laheshiyay .
Reply · Like · 16 minutes ago
:dwill: dad baa buko

User avatar
Bermooda
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1675
Joined: Fri Jul 19, 2013 1:23 pm

Re: Dowladda Somalia iyo Somaliland oo heshiis kala saxiixda

Postby Bermooda » Sun Jan 19, 2014 11:42 am

hiiraan online commenter:
Ina Shabeel · Top Commenter · Minneapolis, Minnesota
Cudur inaguma habsan ee xaqa iyo xaraanta ayaan kala sariweynay sida heshiskan waa xaraan Abgaal iyo Habargidir oo Isaaq laheshiyay .
Reply · Like · 16 minutes ago
:dwill: dad baa buko
:russ:

Ergadii Somalia iyo Somaliland oo Heshiis Gaaray
Ergadii Dowladda Somalia iyo Somaliland ee ku wada hadlayay Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa kala saxiixday is afgarad.

Inkastoo qodobada ugu muhimsan wada hadalka sida gooni isutaagga Somaliland iyo Midnimada Somalia aan weli laga wada hadlin ayaa waxaa heshiiskan ka muuqda xoogaa horu mar ah marka la bar bar dhigo heshiisyadii hore.

Qodobada ugu muhimsan heshiiska waxaa ka mid ah, in laga garaabo dhibaatadii dadka reer Somaliland ka soo gaartay xukumadii dhexe ee miltariga, lana cambaareeyo.

Waxaa kaloo lagu heshiiyay naqshad sharaxeysa habka uu ku socon doono wada xaajoodka, doorka dalka Turkiga iyo cid kasta ee dooneysa inay wadahadalan gacan ka geysato, in agendayaasha sida ay u kala fududyihiin loo soo kala horumariyo, sadex bilood oo kasta mar ay wada hadalka isugu yimaadaan labada dhinac iyo qodobo kale.

Wasiirka Arimaha Amniga ee dowladda Somalia, Cabdikarin Xuseen Guuleed, ayaa sheegay in ujeedada dowladda Somalia ay ka leedahay wada hadaladan ay tahay in lagu qanciyo Somaliland ahmiyadda ay leedahay Midnimada Somalia.

Wasiirka Arimaha Dibadda ee Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis, ayaa isna sheegay in wada hadalo ay ku socdaan qaab wanaagsaan isla markaana aaney jirin wax ka reeban in laga wada hadlo.

Wareysiyo aan la kala yeelanay Wasiirka Arimaha Aminiga Qaranka ee Dowladda Somalia Cabdikarin Xuseen Guuleed iyo Wasiirka Arimaha Dibadda ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, iyo falanqeyn ku saabsan heshiika halka hoose ka dhageyso.



*Edited* whats wrong with the Mp always not working :x
http://www.voasomali.com/content/article/1833204.html

BigBreak
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5325
Joined: Fri Oct 05, 2012 11:31 am

Re: Dowladda Somalia iyo Somaliland oo heshiis kala saxiixda

Postby BigBreak » Sun Jan 19, 2014 5:27 pm

dooros are such vile subhumans wishing bad on others :lol:


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 38 guests