Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay ha’yadaha amniga ee dlka ka howlgala, isagoo xusay inaysan jiri doonin hay’ado kale oo ay la geli doonaan heshiis, kuwa hadda dalka ku suganna uu waqtigoodu ku eg-yahay sannadkan.
“Waxaa dalka ku sugan hay’ado badan oo dhammaantood sheegaya inay ka shaqeynayaan ammaanka dhibaato badan ayaana ka taagan, dowladduna waxay go’aan ku gaartay in la joojiyo oo aan loo cusboonaysiin sharciga,” ayuu ku daray hadalkiisa madaxweynuhu.
Ugu dambeyn, madaxweynuhu wuxuu sheegay in hay’adda ugu dambeysa ee ka shaqeysa ammaanka uu heshiiskeedu ku eg-yahay bisha lixaad ee sannadkan, wixii ka dambeeyana aysan dalka joogi doonin.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
http://www.hiiraan.com/news/2014/Jan/wa ... -45009.htm
Sahal , does he mean by heyadaha amniga as in Amisom mase waa wax kale ?
No. Read it some days ago but I can't remember where, I will post the link for you if I get it again. Its about the foreing security agencies who assist the govt, their contracts have come to end and this govt is not renewing them. Apparently NISA is up to take the challenges.
Amisom mandate will end in oct 2014.