Mogadishu officials arrested in Somaliland
Posted: Sun Feb 02, 2014 7:26 am
Xubno ka Tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya lagu Xiray Magaalada Hargeysa.
Axad, Feberaayo 02, 2014 (HOL) — Dawlada Somaliland ayaa sheegay in ay garoonka magaalada Hargeysa ka qabteen shalay galab saddex ma’suul oo ka
tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Cali Maxamed Waran-cadde ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in saddexdan qof ay qabteen xilli ay doonayeen inay si
dhuumaaleysi ah ku galaan magaalada Hargeysa.
“Saddexda xubnood waxaa gacanta ku dhigay booliiska iyagoo doonaya inay si qarsoodi ah ku galaan Hargeysa, maxkamad ayaana soo taagaynaa,” ayuu yiri
Waran-cdde
Mas’uuliyiintan lagu qabtay garoonka diyaaradaha Hargeysa ayaa kala ah: Jaamac Maxamed Jaamaac oo ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya, Fahiima Nuur
Nageeye oo ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha Somalia iyo C/Casiis Aadan oo ah dublamaasi ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Somalia.
Sidoo kale, Waran-cadde wuxuu sheegay in xubnahan ay diyaaradda kasoo raaceen Muqdisho ayna doonayeen inay Hargeysa soo galaan, isagoo xusay inaysan
ahayn dad halkaas taraansit ku marayay.
“Xubnaha waxay doonayeen inay Hargeysa galaan, wayna ogaayeen inuu sharci adag halkan ka yaallo xubnaha xilalka ka haya dowladda Soomaaliya waana la xisaabtamaynaa,” ayuu wasiirka oo sharraxayay eedeymaha loo haysto saddexdan qof.
Mas’uuliyiintan ayaa la sheegay inay ku xiran yihiin xabsi ku yaalla Hargeysa oo aan la ogeyn, waxayna noqonayaa mas’uuliyiintii ugu horreeyay oo ka tirsan
dowladda Soomaaliya oo sannadkan cusub lagu xiro Somaliland.
Dhanka kale, ma jiro hadal intaas dhaafsiisan oo ku saabsan xariga loogu geystay Hargeysa mas’uuliyiintan, mana jiro hadal kasoo baxya dhinaca dowladda
federaalka Soomaaliya oo ay shaqaale u ahaayeen.
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo dhawaan ay wadahadallo ku yeesheen dalka Turkiga mas’uuliyiin ka kala tirsan dowladda Somalia iyo Somaliland kaasoo ay kaga
hadleen ay iskaashi ku yeelan lahaayeen.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
http://www.hiiraan.com/news/2014/Feb/wa ... -45160.htm