FADEEXAD:— UN Monitoring Group oo ku eedayay in DF ay hubka u gacan geliso Ururka Alshabaab
Kooxda kormeerka cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya UN Monitoring Group ayaa mar kale warbixin ka soo saartay xadgudubka lagu sameeyay heshiiskii UN ee cunaqabateynta hubka ee Somalia.
Warbixinta kooxdani qubarada ah waxa ay ku saabsantahay hubka ay soo iibsatay dowladda federaalka tan iyo intii cunaqabataynta la qaaday, waxayna warbixinta farta ku fiiqeysaa ku xadgudub dowladda ay ka samaysay waxyaabihii lagu heshiiyey markii la qaadayay cunaqabataynta.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in hub ay dowladda Soomaaliya ka keensaday dalalka Jabuuti iyo Ugandha, hubkaasna la leexsaday, islamarkaasina uu gacanta u galay hogaamiye Al-Shabaab ka tirsan oo madaxweynaha ay isku beel yihiin oo lagu magacaabo Sheekh Yuusuf Ciise, waxaana howshaan fududeeyey nin la taliye u ah madaxweynaha oo ay isku beel yihiin.
Waxa kale oo warbixinta lagu sheegey in hubka uu gacanta u galay beelo caasimadda degan oo iyagu ku galay dagaal beeleedyo ka dhacay gobolada koonfureed ee Somalia.
Warbixinta ayaa waxay kaloo sheegtey in wasiir sare oo ka tirsan beesha Habar-Gidir oo aysan magaciisa sheegin uu hub ka keeney dalka isu tagga imaaraadka Carrabta, hubkaasi lagu keeney dayuurad, kadibna lagu xareeyey meel ka tirsan magaalada, iyadoon la ogeysiinin haydaha UN ee qaabilsan arrintaan.
Mudo laba bilood laga joogo ayaa Puntlandi daabaceen Xog ku saabsan Wasiirkii Arimaha gudaha hadana ah Wasiirka Amniga Cabdikariin xuseen Guleed uu hubka Dowlada si qarsoodi ah u geeyey Koonfurta Gaalkacyo si loogu hubeeyo Maleeshiyo ay isku Beel yihiin.
Arrintaa ayaanan ilaa hadda ka jawaabin Dowladda Soomaliya.
Halkaan riix si aad u akhrisatid warbixintii oo af english ah
Puntlandi
http://puntlandi.com/un-monitoring-grou ... alshabaab/