Garoowe (RBC RADIO) Gudoomiyaha Gobolka Sool ee Puntland Axmed Ibraahim Faarax (Faracade) ayaa xaqiijiyay in ay jiraan Deegaano hor leh oo Gobolka Sool ka tirsan ay qabsadeen Ciidanka Somaliland wuxuuna sheegay in ay si toos ah ugu sugan yihiin Deegaamada kalabaydh, Karin Dabayl Wayn, Dharkeyn Geenyo iyo Tuulooyin kale wuxuuna xaqiijiyay in Ciidankan ay aad u hubaysan yihiin lagana soo diray Hargaysa iyagoo sahan ahaan ku socda sida uu hadalka u dhigay mar uu u waramayay radio Garoowe.
“Arintaasi dhaqdhaqaaqyada ciidaasi la xiriidha waa ay jirtaa wax hadeer cusubna maahan waa wax horay usoo socday oo 7sano iyo in ka badan ah oo Dalka intiisa badanna ay ku haysteen sida Degmooyinka Laascaanood oo kale Xudduna ay ku qabsadeen hadana deegaamo horleh oo kalabaydh ay ka mid tahay ay la wareegeen Maantana ay Ciidamo soo gaarsiiyeen Karin Dabayl wayn shalay dharkayn ay Ciidamadoodu tageen taasi waa gardarooyinka qaawan ee Somaliland ay wadato ee aan indho ka qabsiga lahayn sidaana waxaa yiri Gudoomiyaha Gobolka Sool ee Puntland.
Gudomiyuhu wuxuu sheegay in Caruur iyo Haween ay xoog ku haystaan ciidanka Somaliland aysanna jirin Ciidan ka Caabiyey Meelaha ay qabsadeen iyagoo si xor ah u maraya Deegaamadaasi qabsanayana hadba Tuuladi ay doonaan, wuxuu sidoo kale gaashaanka u daruuuray in Madaxweyne ku xigeenka ay ka hor istaagaan in uu aado Degmada Buuhoodle oo ah meel uu u dhashay.
Gudoomiyaha ayaa ku goodiyay in ay adkaan doonto in Somaliland ay sii haysato Deegaamada ay horay u haysatay isagoo riyo ku tilmaamay in Deegaaamo hor leh ay Puntland ka qabsato wuxuuna sheegay dhaqdhaqaaqa ay hada qaadeen in ay jawaab ka bixin doonto Dowladda Puntland oo Hawshan ay u taalo sida uu hadalka u dhigay Gudoomiyaha Gobolka Sool Mudane Axmed Ibraahim Faarax.
Qabsashadaan ayaa waxa ay kusoo beegmeysaa iyada oo Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliland ay Dalbadeen in Xuduuda Somaliland lasoo dhamaystiro lana xiro.
Hoos ka dhagayso Codka Gudoomiyaha Gobolka Sool ee Puntland.
http://www.raxanreeb.com/2014/02/deg-de ... -dhagayso/




somaliland militia movement + faysal ali waraabe cries + s/land finance minister cries all happening within 30 days after president gaas and vice president baabul was elected 