Afhayeenka Guud ee Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa ka hadlay weerarkii ismiidaaminta ee shalay ka dhacay agagaarka Garoonka diyaaradaha Muqdisho, isagoo ku hanjabay inay sii wadi doonaan weerarada ka dhanka ah waxa uu ugu yeeray hey'adaha beesha caalamka.
Cali Dheere ayaa sheegay in weerarkii shalay uu fuliyay mid ka mid ah guutooyinkooda Istish-haadiga, waxaana uu xusay in qasaare ka soo gaartay baabuurta UN-ka ee ay ku beegsadeen nawaaxiga garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Waxaa uu uga digay hey'adaha caalamka ee dalka ku sugan inay meel walba ku bartilmaameedsan doonaan, hadii aysan ka bixin Soomaaliya sida uu yiri.
Sidoo kale waxaa uu ku eedeeyay Qaramada Midoobey inay u sharciyeeyeen Ciidamada Itoobiya inay ka mid noqdaan howl galka AMISOM.
Cali Dheere ayaa sheegay in lix dowladood oo Afrikaan ah ay dagaal kula jiraan, isla markaana howl galkooda fashilmay, waxaana uu ku goodiyay inay sii laba jibaari doonaan dagaalka ka dhanka ah ee ay kula jiraan waxa uu ugu yeeray cadawga.
Al-Shabaab ayaa waxay horay u sheegteen inay ka dambeeyeen weeraro lagu qaaday xarumo kala duwan oo ay ka mid aheyd weerarkii bishii June ee sanadkii hore Xarunta UNDP ee magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku dhinteen shaqaale UN ah.
Dowladda Xamar failed on security matters. They are guarded by 18 thousand amisom troops.