Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

HABARGIDIR SAYS ....

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
bashe19
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2741
Joined: Thu Apr 11, 2013 6:57 am

HABARGIDIR SAYS ....

Postby bashe19 » Sun Feb 23, 2014 9:15 am

Mudane Madaxweyne Is-Casil…!

Keydmedia Online — ...Ama Xilka ka qaad kuwa ku fashilmay oo aad Mas'uuliyadda u dhiibatay - Anigoo aanan ku faraxsaneyn wixii Shalay ka dhacay Xarunta Madaxtooyada hadana, waxan oran lahaa waa loo baahnaa dhacdadaan oo kale...

Teaser Image Mudane Madaxweyne Is-Casil…!
7


Waxan oran lahaa waa loo baahnaa dhacdadaan oo kale si ay hurdada ugu kiciso, diyaaradahana uga dajiso Madaxda Dowladda Soomaaliya ee ku jira tamashlaha iyo dalxiiska, halkii ay ka sugi lahaayeen Amaanka iyo xasiloonida Wadanka.

Dhacdadaan waxay keeni doonta (waan sidaan rajeynayo) in xilalka laga qaado Madax-badan iyo Saraakiil ciidan oo ku guuldareystay ka miro dhalinta darajooyinkii loo magacaabay, Nasiibdarro Keydmedia Online taladaan Sanad kahor ayay soo jeedisay.

Waxaa iskood isku casilo doona Madaxda ku fashilantay inay difaacaan Xafiiskii iyo Gurigii Madaxweynaha iska daa inay difaacaan shacabka iyo marasta Soomaaliyeed ee beylahda ahe. Waxaas oo dhan waxay dhici doonaan haddii damiir iyo dareen uu ku harsan yahay Madaxweynaha iyo Madaxda la Shaqeysa. Haddii kalana, waa la inkiri doonaa fashilka Shalay dhacay, waxaana ay Madaxda dowladu ku faani doonaan inay fashiliyeen Weerarkii Al-Shabaab kuna guuleysteen inay jabiyeen oo dileen Raggii Weerarka soo qaaday, waaba dhacdee...



Weerarka Kooxda Al-Shabaab ay gudaha ugu galeen Xaruntii Madaxtooyada iyagoo wata Gawaari Tikniko ah wuxuu ka tarjumayaa Awood la'aanta Ciidamada ilaalada Madaxtooyada iyo xog La'aanta Madaxda iyo Saraakiisha Amaanka sida taliyayaasha Booliska, Nabadsugidda iyo Wasaaradda Amaanka Qaranka.

Ciidamada Dowladda waaba la fahmi karaa oo Qof Gaajeesan, Ehelkiisuna gaajeesan yihiin uma dhiiban kartit Amniga Gurigaaga, laakiin waxey Shacabka Soomaaliyeed fahmi karin Fashilka Hoggaanka Mas'uul ka ah Amniga Dalka.

Wuxuu Weerarkani ka tarjumayaa Niyadda iyo Naf-huridda Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo kusoo tala galay inay wax dilaan iyagana la dilo. Waxaa intaas oo dhan kasii murugo badan in awooda hakisay Al-Shabaab Shalay aysan aheyn Awooda Ciidamada Soomaaliyeed ee ay tahay ciidamada AMISOM oo ku sugan gudaha Madaxtooyada.

Hadaba, Mudane Madaxweyne makula tahay in Hoggaankaaga Amniga uu kasoo baxay Howshii loo dhiibay? Hadii aadan tilaabo ka qaadi karin, fadlan Is-casil.

Waxaan sugnaaba waa talaabooyinka isbadal ee uu qaado madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

Daacad Wadanka - Keydmedia Online Editorial Desk



Hoos ka Akhriso sidee wax u dhaceen Shalay:

Al-Shabaab oo tiradooda lagu qiyaasay Labaatameeyo xirana dharka Ciidamada Milatariga, isla markaan wata Gawaari dhowr ah oo uu ku jiro Gaari tikniko ah ayaa Weerar kusoo qaaday iridda Bari ee ku jeeda wadada Nasiib-Buundo. Iridaas waxa ka socday dayactir ay waday Dowladda Imaaraadka Carabta, waxaana laga qaaday dhagaxdii waaweyneyd ee loogu tala galay in lagu celiyo gawaaridda Al-Shabaab oo si xoriyad ah u dhex mushaaxa magaalada Muqdisho.

Qaraxyo iyo Madaafiic yar yar kadib, waxaa kala cararay Ciidamadii ilaalada ka ahaa Albaabka hore, waxaana u fududaatay raacii dambe ee Al-Shabaab inay gudaha u galaan Villa Somaliya. Masaajidka xarunta oo ku dhow Guriga iyo Xafiiska madaxweynaha waxa lagu guda jiray Khudbadii dambe ee Salaada Jimcaha, waxaana halkaas buuxay Saraakiil iyo Madax badan oo aan ku tukan karin Masaajidada kale ee magaalada sababo Amaan awgood.

Madaxweyne Xasan ShiikhMaxamud wuxu Waqtigaas ku sugnaa Gurigiisa oo wali uma uusan soo bixin Salaada Jimce, waxaana uu qorshaynayay inuu Daqiiqado yar ka dib usoo baxo Salaada. Maleeshiyaadkii Al-Shabaab waxaa u suurto gashay inay gaaraan Masaajidka, wuxuuna dagaalku socday muddo Saacad ah. Markii hore waxa loo qaatay in Ciidamada Madaxtooyadu ay dhexdooda ka dagaalameen, maadaama horay looga bartay isku dhac Ciidamada Dowladda dhexdooda ah, isla markaana aan la filaneyn in Al-Shabaab ay gudaha usoo gali karaan Villa Somaliya.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab mudo Saacad ka badan ka dhex dagaalamayay xarunta Villa Somaliya iyagoo ku faafay dhismayaasha kala duwan ee xaruntaas ayaa sababay in lagu kalsoonaan waayo Amaanka xaruntaas, taasoo keentay in Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud laga bixiyo madaxtooyada si ku meelgaar ahna loo geeyo Hotel Jaziira, inta laga xaqiijinayo Amaanka iyo nadaafadda madaxtooyada, warkaas waxaa noo xaqiijiyay Mas'uul ka tirsan Xafiiska Raisul Wasaaraha.

Ciidamada AMISOM ayaa ku guuleystay inay dilaan intii hartay Maleeshiyadka Al-Shabaab, mana la garan karo inay jiraan qaar baxsaday oo dhex dhuuntay dadkii cararayay. Inta la xaqiijiyay waxa ku geeriyooday weerarkaas Saraakiil iyo Nadax sare oo ay ka mid yihiin Taliye ku xigeenkii hore ee Nabad Sugidda Janaraal Nuur Shirbow iyo Madaxa xafiiska Ra'isal Wasaaraha Maxamuud Indhacase. Waxaa kaloo la sheegayaa inay halkaas ku dhaawacmeen xildhibaano iyo Madax kale inkastoo aan la ogeyn inta uu gaarsiisan yahay dhaawacoodu.

Maleeshiyaadka iyo Madaxda Al-Shabaab ayaa beryahan dambe kasoo baxsanayay Gobolada dhexe oo la sheegay inay kusoo wajahan yihiin ciidamado Itoobiyaan ah.

Madax uu ka mid yahay Fu'aad Shongolo oo ka guuray degaanadoodii Ceel-Buur iyo Buula-Burte ayaa u talaabay gobolka Jubada dhexe iyagoo sii maray Bakool iyo Gedo. Sidoo kale Maleeshiyaad faro badan oo ka yimid Gobolada dhexe ayaa soo galay Muqdisho beryihii lasoo dhaafay iyagoo waraaqo digniino ah ku daadiyay xaafadaha Huriwaa iyo Suuqa Xoolaha oo ay uga digeen dadka inay furaan ganacsiyadooda.

Todobaad ka hor ayay aheyd markii Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Tarsan uu Warbaahinta ka cadeeyay in Maleeshiyaadka Al-Shabaab ee la qabto ay xabsiga kasoo baxaan iyagoo lagu soo furto Lacago laaluush ah, sidaas darteedna wuxu amar ku bixiyay in aragti lagu dilo, intii ay xabsiyada kasoo bixi lahaayeen mar kale.

Inta badan Madaxda Dowladda iyo Saraakiisha Amaanka oo xaruntoodu ay tahay Muqdisho ayaan Wadanka joogin mudo Bil gaareysa, iyagoo Safaro isdabajoog ah ugu baxa dibada wadanka.

Ra'isal Wasaare C/wali iyo wafdi balaaran oo uu Hogaaminayo ayaa Safaro ku maraya Wadamada Bariga Afrika isagoo uga sii gudbi doona Wadamada Imaaradka Carabta iyo Talyaaniga. Mana la filayo sidii looga bartay madaxda aduunku inay soo gaabiyaan Safaradooda dibada markii musiibo noocaan oo kale ahi ay dhacdo.

Keydmedia Online - Editorial Desk

User avatar
FarhanYare
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 17370
Joined: Fri Jun 17, 2011 10:06 pm
Location: Location:Location

Re: HABARGIDIR SAYS ....

Postby FarhanYare » Sun Feb 23, 2014 6:15 pm

misleading title....


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: nnjrewzas112, SadSayyid and 27 guests