Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Nuunow president of Gedo, Bay&Bakool, Sh/Hoose & Jubbas

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
AfricanHunter
Posts: 21
Joined: Wed Dec 25, 2013 1:16 pm

Nuunow president of Gedo, Bay&Bakool, Sh/Hoose & Jubbas

Postby AfricanHunter » Mon Mar 03, 2014 9:52 am

DEG DEG: Madoobe Nuunow oo loo doortay Madaxweynaha Maamulka Koofur galbeed ee Lixda Gobol


Waxaa goor dhow ku soo gaba gaboobay Xarunta ADC ee magaalada Baydhabo doorashadii hogaanka Maamul goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya ee lixda Gobol, iyadoo lagu doortay Madaxweyne.

Madoobe Nuunow Maxamed oo horay Wasiir iyo Xildhibaan ugu soo noqday Dowladihii KMG ahaa ayaa ku guuleystay doorashada, isagoo helay codod dhan 44 cod oo ka mid ah 73-da xubnood ee Golaha Guurtida.

Musharaxiinta ku loolamaya doorashada ayaa gaarayay ilaa 7-musharax, waxaana wareega labaad isugu soo haray saddex musharax oo kala ah Madoobe Nuunow, Maxamed Aadan Fargeeti iyo C/fataax Ibraahim Geesey oo ahaa Gudoomiyihii hore Gobolka Baay.

C/fataax Geesey ayaa tanaasulay, waxaana wareega ugu dambeeya isugu soo haray Madoobe Nuunow iyo Maxamed Aadan Fargeeti, waxaana Madoobe Nuunow uu ku guuleystay 44 cod, halka Maxamed Aadan Fargeeti uu helay 23-cod, iyadoo intii ay socotay codeynta ay jireen codod xumaaday.

Intaas kadib ayaa waxaa madasha ay ka dhacday doorashada waxaa ka bilowday sawaxan iyo isu hambalyeyn, waxaana munaasabada doorashada goob joog ka ahaa xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Afaraale iyo Sheekh Aadan Madoobe.

Maamulka Koofur galbeed ee Soomaaliya waxaa uu ka kooban yahay lix gobol oo kala ah Bay, Bakool, Shabeelaha Hoose, Gedo, Jubada Hoose iyo Jubada Dhexe, iyadoo dowladda Soomaaliya ay horay u cadeysay inay ka soo horjeedo maamulkan.

War saxaafadeed maanta ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa lagu cadeeyay mowqifka dowladda ee shirarka iska soo horjeeda, iyadoo dowladda sheegtay inay aqoonsan tahay Maamulka saddexda Gobol, maadaama midka lixda gobol uu ka hor imaanayo saddexda gobol ee maamulka KMG ee Juba uu ka arimiyo ee kala ah Gobolada Jubada Hoose, Jubada Dhexe iyo Shabeelaha Hoose.

Dhinaca kale xubnaha ku shirsan Hotelka Bakiin ee u fadhiya dhismaha maamulka saddexda gobol ayaa sheegay in maalinta khamiista ay dooranayaan Madaxweynaha Maamulkaas saddexda Gobol ee kala ah Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose.




Image
The communities of Gedo, Jubada Hoose, Jubada Dhexe, Shabeellada Hoose, Bay iyo Bakool are welcoming their new leader :som:

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 11 guests