Dhagayso:- Madaxweynaha Shabeele State oo Caalamka Fariin u diray
Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Shabelle State Muxidiin Xasan Afrax ayaa ka dalbaday Shacabka ku dhaqan Labada Shabelle gaar ahaan kuwa Shabeelaha dhexe ka soo jeeda inay taageeraan maamulka Shabelle State ee dhawaan lagu dhawaaqay.
Muxidiin Xasan Afrax ayaa sheegay in horay u socodka maamulka Shabelle State hormuud u yihiin Shacabka hadii aysan taageersaneyn uusan taaba galeyn,isagoona ka dalbaday inay taageero adag la garab itaagan yihiin.
Wuxuu sheegay mas’uulkaan in mudo ah ay ka fikirayeen dhisitaanka maamulka Shabelle State,islamarkaana meel badan u soo mareen sidii dhidibada loogu aasi lahaa,isagoona hadalkiisa intaasi raaciyay in hada waxa kaliya maqan ay tahay kaalinta Shacabka ay ka qaadan lahaayeen sidii maamulka lagu socodsiin lahaa.
Hadalkaan madaxweyne ku-xigeenka maamulka Shabelle State ayaa ku soo adaya,xilli maanta Muqdisho lagu qabtay munaasabad lagu taageerayay maamulka Shabelle State.