Gudoomiyaha degmada Balambal Hareer Xassan Barre oo u waramay war baahinta islaamiga ah ee Al-furqaan ayaa sheegay in ciidamada Xabashida Itoobiya ay qabsadeen gaadiid ka baxay Balambal iyo rakaabkii saarnaa xilli ay marayeen degaano gobolka ka tirsan oo ay Xabashidu heysato.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in maalmahan ay aad usoo badatay dhibaatada ay kala kulmaan ciidamada Xabashida iyo kuwa dabaqoodhiga la yiraahdo ama (Liyuu Bolice).
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Xabashidu ay wali u xidhan yihiin saraakiil ka tirsan Suufiyada iyo dad ay wehlinayeen oo doonayay iney biyo gaarsiiyaan Soomaalida ku dhaqan dhulka Xabashidu gumeysato ee Soomaaliyeed.
Mar aan wax ka weydiinay sida ay ku dhacday in ay ku raali ahaadaan gumeysigan lagu hayo ayuu ka gaabsaday, wuxuuse hoosta ka xariiqay in ay oon u dhimanayaan dad badan oo ay kamid yihiin kuwa la gumeysto oo Xabashidu u diiday in la waraabiyo.
Ku Dhageyso Tayo Sare Hadalka Gudoomiyaha Balambal




