Re: Breaking News: Somali Parliament Voting To Unseat Presid
Posted: Tue May 06, 2014 3:55 am
Common sense to prevail. Hassan Must Go.
DHAGEYSO COD:— Madaxweyne Xasan Sheikh oo loogu baaqay inuu iscasilo
Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Somalia oo tiradoodu ka badnayn 130 oo ku shiray Muqdisho ayaa ugu baaqay madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud inuu xilka iska casilo, iyagoo sheegay in madaxweynuhu uu ku guul-darreystay inuu dalka si wanaagsan u hoggaamiyo.
Mudanayaashan ayaa waxay baaqa kasoo saareen kulan ay shalay ku yeesheen Muqdisho, iyadoo sheegay in haddii madaxweyne Xasan Sheekh uu aqbali waayo baaqooda ay u mari doonaan xil ka qaadistiisa sida uu sharcigu qabo.
Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo ka mid ahaa xildhibaannadii ka qaybgalay kulanka oo u waramayey BBC ayaa sheegay in nuxurka kulankooda uu xambaarsanaa in Madaxweynaha uu ku fashilmay siyaasaddii iyo nabadgalyadii Dalka.
Wuxuu kaloo sheegay xildhibaanka in haddii ay noqoto in madaxweynuhu waxa ay ugu baaqeen aqbali waayo ay mari doonaa sida uu sharcigu qabo oo aan mooshin ka geyno, maadaama dastuurka uu ogol yahay in saddex meelood laba meel tirada baarlamaanka ay mooshin ka keeni karto madaxweynaha.
C/qaadir Cosoble oo ka mid ahaa murashaxiintii sannadkii 2012-kii u tartamay hoggaanka dalka ayaa sheegay inay madaxweynaha ugu tageen si gooni-gooni ah iyo si wadar-wadar ah; laakiinse uusan waxba kasoo qaadin talooyinkoodii.
Halkaan hoose ka dhageyso:
http://puntlandi.com/dhageyso-cod-madax ... -iscasilo/