Hawiye oo go’aan adag ka Qaadatay dawlada somalia “Yeeli mayno Dowlad dul saaran hawiye Kaliya
Jun 2, 2014 - 44 Jawaabood
Muqdisho (Kalshaale.com) Beesha Hawiye ayaa kullan xasaasi ah oo runta loogu sheegay dowladda federaalka Soomaaliya waxa ay ku yeelatay magaalada Muqdisho.
Ujeedada kullanka ayaa Hawiye waxa ay ku sheegeen sidii looga tashan lahaa aayaha beesha iyo iska qabashada cadaalad darrada dowladda federaalka ay ku hayso dadka iyo deegaanka Hawiye.
Beesha Hawiye waxa ay sheegtay inay dowladda Soomaaliya kusoo dhoweysay deeganadeeda oo ay ku jirto caasimada Soomaaliya, ayna siisay taageero aysan ka helin beelaha kale ee Soomaalida, laakiin loogu abaal gudaya oo kaliya dhib.
Beesha Hawiye waxa ay caddeysay inaysan hadda iyo wixii ka dambeeya aqbali doonin in dowladda federaalka ay noqoto dowlad ku tiirsan oo kaliya dhaqaalaha deegaanada iyo canshuur laga qaado Hawiye.
Waxa ay dowladda Soomaaliya u caddeysay in haddii aysan u caddaalad falin karin Soomaalida oo dhan in Hawiye uu la xisaabtami doono dowladda.



