Kooxda Al-Shabaab iyo ciidanka Liyu Polis oo ku dagaallamay deegaanno ku yaalla xadduudka
Posted on June 17, 2014Raad Raaca, RBC, Wararka
hqdefault
Xudur [RBC Radio] Ciidanka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ee loogu yeero Liyu Polis ayaa dagal culus la galey kooxda Al-shabaab ee ka dagaallanta gudaha Soomaaliya,waxaana la sheegay dagaalku inuu socdey tan iyo xalay.
Dadka deegaanka oo warbaahinta la hadley waxaa ay sheegen dagaalka inuu xooggana dhinacyada dagaallameyna ay isku adegsadeen hubka nocyadiisa kala duwan,balse ma jiro wax war ah oo ka soo baxey ciidanka Liyu Polis iyo Al-shabaab.
Dagaalku waxaa uu ka dhacay deegaannada isku xira gobolka Bakool iyo dhulka Soomaalida Itoobiya.
Ilaa iyo hadda inta la hubo dagaalka waxaa ku dhintey 20-ruux oo dhinacyadii dagaallameysey ah,waxaana la sheegay in Al-shabaab laga saarey goobihii ay ku dagaallameyn,balse warar an la xaqiijin ayaa sheegaya in labada dhinacba ay ku kala sugan-yihiin goobihii ay ka dagaallameyn.
Dagaalka waxaa uu ku soo aadaya xilli dhawaan ciidanka Liyu Polis ay kula dagaallamen Al-shabaab deegaanno ku yaalla gudaha Soomaaliya oo ka tirsan gobolka Bakool.
Dowladda Itoobiya ayaa dhowr mar sheegtay inay xoojin doonto amniga iskana difaacayso weerarrada ugu yimaada Al-shabaab,waxaana Al-shabaab ay ku han-jabeen inay weerarro ka geysan doonana gudaha Itoobiya.
Ethiopian group Liyuu Boolis is highly trained and experienced fighting machine. While other somalis(tfg) run away from alshabaab, liyuu boolis(somali ethiopians) managed to kill many terrorists.



