Raisul Wasaare Cabdiweli Sheekh oo lagu eedeyay hurinta Colaad
Kismaayo (KON) - Raisul Wasaaraha DFS ayaa waxaa lagu edeyey in u mudo Saddex bilood ah aruurinayay Maleeshiyo ay isku heyb yihiin oo uu qaar ka mid ah horay ugu diray Magaalada Kismaayo.
Teaser Image Raisul Wasaare Cabdiweli Sheekh oo lagu eedeyay hurinta Colaad
Cabdiweli Sheekh Axmed Ciidamo Beeleedkaan u arurinayo ayaa waxay qeyb ka yihiin kuwo ay horay iskugu afgarteen Maamulka Puntland oo ujeedadu tahay in lagu xoojio Maamulka Kismaayo ee uu Axmed Madoobe Hogaaminayo, Qolo walbana ay Qeybteeda ka qaadato.
Xogtaan ayaa waxaa laga helay Mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xildhibaanno, waxeyna ku eedeyeen Cabdiweli Sheikh in uusan aheyn Raisul Wasaare Nabadeynta Soomaaliya wax ka tari kara.
Mas'uul aan ka helnay Macluumaadkaan ayaa yiri "horey ayaa waxaa u jiray tuhum ku saabsan in Madaxda Dowladdu laftoodu ay Arrimaha la xariira Xasilooni daradda Wadanka ka jirta ay ku lug leeyihiin oo aysan fiirin Burburkii iyo dhibaatooyinkii uu Wadanku soo maray, waxbadana aysan isku howlin in ay Nabadda ka shaqeyaan."
"In Madax dowladdeed ay sidaas ku shaqeyso Nama farxad galineyso" Ayuu yiri Mas'uulka Xogtaan nosoo gudbiyay.
Keydmedia Online - Nairobi