Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Joint Puntland-Jubbaland Press release

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
Righteous
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2164
Joined: Wed Jun 04, 2014 8:21 am
Location: Somalinet boycott by Puntites in effect 24/12/14

Joint Puntland-Jubbaland Press release

Postby Righteous » Sun Jul 06, 2014 5:57 am

Waxaa magaaladda Kismaayo ee xarunta Maamulka Kumeelgaarka ah ee Jubba soo gaaray maalinimadii Talaadada ee 24kii June 2014 wafdi ka socda Dowladda Puntland ee Soomaaliya oo ka kooban Wasiiro iyo Xildhibaanno. Ujeedka socdaalka wafdiga Puntland wuxuu ahaa wada tashi iyo xoojinta iskaashiga 2da maamul iyo isxog dhaafsi guud ahaan xaaladda Soomaaliya.
Gorfeyn dheer kadib, waxaa labada dhinac kulamadaasi si wada jir ah uga soo saareen warsaxaafadeedkaan:
In Soomaaliya ay tahay Jamhuuriyad Federaal ah sida uu qabo Qodobka 1aad ee Dastuurka. Hadaba iyadoo arrintaan la fulinayo, waxaaa waajib ku ah Dowladda Federaalka ah inay dardargaliso hirgalinta nidaamkaas ay Soomaaliya isku raacday, waafaqsanna Dastuurka gundhigga u ah Soomaaliyada cusub ee lagu wada heshiiyay Qodobkiisa 51aad.

Puntland iyo Maamulka Jubba waxay aaminsanyihiin muhiimadda iyo sida lagama maarmaan u tahay dhamaystirka iyo iyo dhaqangalinta Dastuurkii lagu heshiiyay. Hadaba si taa loo gaaro, waxaa xilka wada saaranyahay Dowladda Federaaliga ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah inay si wadajir iyo iskaashi leh uga wada xaajoodaan dhamaystirka Dastuurka iyo hirgalintiisa.

Sidoo kale waxaan aaminsanahay in habraac walba oo lagu dhamaystirayo / fulinayo Dastuurka lagala tashado dowladaha xubnaha ah sida uu qabo Dastuurku. Wixii waxkabadal ah ee lagu sameeyay Dastuurkii lagu heshiiyay oo aan WAAF was an syn isla Dastuurka cutubka 15aad iyo Jadwalka A&B ee ka hadlaya habraaca waxkabadalka Dastuurka waxaan u aragnaa Sharif's lagu darro.

Maamulka Jubba iyo Puntland waxay soo dhowaynayaan dhismaha maamul u samaynta 3da Gobol ee Baay, Bakool iyo Shabeelada Hoose waxayna la garab taaganyihiin wax walba oo taageero ah. Waxaan kaloo aaminsannahay sida uu qabo Dastuurku in deegaanada aan lahayn maamul-dowladeed guud ahaan lagu taageero dhismaha maamul-dowladeed, dowladda Federal kuna dardar galiso wixii fududayn iyo farsamo ah.

Labada dhinac waxay aaminsanyihiin inay xaq uleeyihiin inay ka helaan qaybtooda Deeqaha Caalamiga ee magaca Soomaaliya lagu helo waana inay Dowladda Federaalku u qaybisaa deeqahaas si caddaalad ah.
Labada maamul waxay aaminsanyihiin in doorashada 2016 ay ku dhacdo xilligii iyo qaabkii loogu talo galay sida uu qabo Dastuurku. Haddii qaabka qabashadeeda isbadal loo baahdo in lagu sameeyo, waa in si wadajir ah uga wada tashadaan Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ah.

Labada maamul, waxay ku heshiiyeen in ay is dhaafsadaan wixii aqoon iyo khibrad waayo aragnimo ah iyo waliba in ay labada dhinac wadaagaan xogaha amniga iyo argagixisada caalamiga ah si la iskaga kaashado ladagaalankooda, soo afjaristooda iyo maamul wanaaga ay higsanayso Umamadayada Soomaaliyeed, si loo gaaro Dimoqraadiyad dhab ah iyo nabad waarta oo Soomaali ku wada noolaato kulana noolaato Dowladaha dariska la ah.
                           Dhammaad.

Righteous
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2164
Joined: Wed Jun 04, 2014 8:21 am
Location: Somalinet boycott by Puntites in effect 24/12/14

Re: Joint Puntland-Jubbaland Press release

Postby Righteous » Sun Jul 06, 2014 6:06 am

"Maamulka Jubba iyo Puntland waxay soo dhowaynayaan dhismaha maamul u samaynta 3da Gobol ee Baay, Bakool iyo Shabeelada Hoose waxayna la garab taaganyihiin wax walba oo taageero ah. Waxaan kaloo aaminsannahay sida uu qabo Dastuurku in deegaanada aan lahayn maamul-dowladeed guud ahaan lagu taageero dhismaha maamul-dowladeed, dowladda Federal kuna dardar galiso wixii fududayn iyo farsamo ah."

Guul Somalia!

knet
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2071
Joined: Fri Mar 28, 2014 2:53 pm

Re: Joint Puntland-Jubbaland Press release

Postby knet » Sun Jul 06, 2014 6:39 am

:ugeek:


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: Ah12 and 28 guests