Page 1 of 1

Alshay tryna do damage control to retain members in the cult

Posted: Tue Jul 15, 2014 11:50 pm
by FarhanYare
Xarakada Al Shabaab, ayaa waxay si xoogan isaga fogeysay inay iyadu dishay Nafisa Cismaan Salaad, oo 5-tii bishii April lagu dilay Degmada Heliwaa, xilli lagala soo baxay hoygoodii oo ku yaala agagaaraha Warshada Coca Coca ee Degmada Yaaqshiid.

Nafisa waxay billo ka HOR ka qalin jebisay Jaamacada Somalia ee Magaalada Muqdisho, waxaana la dilay xilli ay la shaqeyneysay mid ka mid ah Hay'adaha Turkiga ee ka hawlgala Magaalada Muqdisho.

Waaliga Gobolka Banaadir ee Ururka Al Shabaab CALI Maxamed Xuseen (Cali Jabal), oo shir jaraa'id qabtay, ayaa wuxuu daboolka ka qaaday inaanay Al Shabaab ku lug lahayn dilkii Nafisa.

"Waxaan sheegaynaa in aan dilin gabadha, reerkeeda waxaan leenahay anagu bari’ ayaan ka nahay falkaasi nama soo galo, anagu cidda aan dilno waan sheeganaa waana cadyahay cadawga dagaalku naga dhaxeeyo." ayuu yiri Waaliga Gobolka Banaadir ee Al Shabaab.

Sidoo kale wuxuu si xoogan u beeniyay in labada WIIL ee lagu qisaasay Magaalada Muqdisho maalinimadii shalay ahayd, ay ka mid ahaayeen dagaal-yahanaada Ururka Al Shabaab

"Ragga la dilay meelna kama soo galaan Shabaabul Mujaahidiin, dadka caadiga ah ee magaalada degan ayay qayb ka ahaayeen, marnaba kama mid noqon Shabaabul Mujaahidiin." ayuu yiri Sheekh Cali Jabal.

Labada nin ee la qisaasay oo lagu kala magacaabi jiray Xasan Maxamed Cabdi (Salmaan) iyo Shaafici Cabdi Xersi (Shaataa), ayaa waxay Warbaahinta ka sheegeen inay ka tirsanaayeen Amniyaadka Al Shabaab. Waxayna qirteen in iyagoo AFAR nin ah, ay ku dileen Nafisa Cismaan.