Jul 22, 2014 - jawaab
Wararka hadda naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubba ayaa sheegaya in la adkeeyay caawa ammaanka magaalada Kismaayo kadib hanjabaadyo ka soo yeeray saraakiisha Col. Barre Hiiraale ee ku sugan Goobweyn.
Ciidamada ammaanka ee maamulka KMG ee Jubba ayaa adkeeyay ammaanka magaalada Kismaayo si looga hortago falal ammaan darro oo ka dhaca magaalada Kismaayo.
Waxaa heegan la galiyay ciidamada Jaamacadda magaalada Kismaayo oo isugu jira kuwa maamulka KMG ee Jubba iyo kuwa Kenya, waxaana dadka deegaanka intooda badan ay ku jiraan caawa xaafadahooda.
Magaalada Kismaayo dhowaan waxaa ka dhacay labo weerar oo la sheegay in lagu qaaday guddoomiye waaxeed iyo Col. Iftiin Baasto kuwaasoo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.





