DAAWO VIDEO:— Banaabax aad u weyn oo looga soo horjeedo Heshiiskii Villa Somalia ayaa ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee G/Galgaduud
Banaabax aad u weyn oo looga soo horjeedo heshiiskii dhowaan lagu saxiixday Villa Somalia ayaa shalay lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee Xaruunta Galgaduud. Banaabaxasoo oo si weyn loo soo abaabulay baa waxaa soo qabaqaabiyey Maamulka Ahlusunna, Siyaasiyiinta, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada oo isugu jira ururada haweenka, odayaasha dhaqanka iyo ardayda wax ka barata dugsiyada magaalada Dhuusamareeb ee xaruunta Gobolka Galgaduud.
Banaabaxaaso oo gilgilay guud ahaan magaalada Dhuusamareeb ayaa dadka banaabaxa sameynay waxay socod dheer ku marayeen magaalada Dhuusamreeb iyagoo ku dhawaaqayo erayo ay uga soo horjeedaan heshiiskii lagu saxiixay magaalada Muqdisho
Banaabaxaas oo lagu eedeynayay Dowladda Federaalka sida ay uga shaqeyneyso isku dirka iyo kala tafaraaruqa beelaha dega Gobolada Dhexe.
Banaabaxaas waxaa ka hadlay Madaxda Ahlusunna, waxgaradka iyo siyaasiyiinta magaalada Dhuusamareeb waxayna canbaareeyeen DF inay ku tumatay islamarkaana garab martay dastuurkii dalka.
Halkaan hoose riix si aad u daawatid:
[youtube]NDe658-zzSc#t=40[/youtube]





