Siyaasiyiinta iyo Ganacsatada Muqdisho oo wadnaha farta ku hayo (Maxaa soo kordhay?)
AUGUST 7, 2014 2:33 PM0 COMMENTSVIEWS: 2009
Muqdisho (Caasimada Online)-War goor dhow kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Wasaarada Amniga Khaliif Erag, ayaa waxaa lagu sheegay in Maalmaha soo socdo ay wasaaradu waxbadan ka bedeli doonto hubka faraha badan oo ay la cararayaan Siyaasiyiinta iyo Ganacsatada ku dhaqan Magaalada Muqdisho.
Warbixinta kasoo baxday Xafiiska Wasiirka, ayaa waxaa lagu sheegay in Wasaaradu ay qaswadayaal u aragto kuwa aan ku jirin Dowlada ee hadana wata Hubka faraha badan, waxaana la Tilmaamay inuu socdo qorshihii lagu kala yareyn lahaa Hubkaasi.
Afhayeenka Wasaarada Maxamed Yusuf, ayaa isaguna dhankiisa ka sheegay in Wasaaradu ay lasoo baxeyso dadaalo lagula xisaabtamaayo Siyaasiyiinta, Odayaal dhaqmeedyada iyo Ganacsatada aan ka tirsaneyn Dowlada ee isticmaasha hubka farahabadan, waxa uuna sheegay in qorshaha uu iminkaba socdo.
Dhanka kale, Afhayeenka ayaa waxa uu Tilmaamay in muddo Asbuuc gudihiisa ay fashiliyeen Weeraro laga fulin lahaa qeybo badan oo ka tirsan Magaalada Muqdisho sida Liido, Wardhiigley iyo Xarumo kale, waxa uuna Tilmaamay in ay bur-buriyeen Shabakado Alshabaabku ay ku lahaayen Degmada warta-nabada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com



