Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Cabdiweli Maxamed Qanyare ”Nabadsugida Dawlada Ayaa I Dili R

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
THE_TRUTH1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1512
Joined: Thu Nov 24, 2005 9:01 pm
Location: canada

Cabdiweli Maxamed Qanyare ”Nabadsugida Dawlada Ayaa I Dili R

Postby THE_TRUTH1 » Sun Aug 10, 2014 4:12 pm

Warar dheeraad ah ka soo baxaya weerar caawa fiidkii Hay'adda Nabad sugida ku qaatay guriga Xildhibaan Cabdiweli Maxaxamed Qanyare oo gurigiisa uu ku sugnaa Cabdi Nuure Siyaas oo loo yaqaan Cabdi Waal.


Xiligii weerarkaan uu dhacayay ayaa waxaa guriga Xildhibaanka la joogay Cabdi Waal oo ciidamo ilaalineysay, kuwaasi oo mar qura rasaas kala kulmay ciidamada Nabadsugida oo si gaadmo ah goobta u tagtay, waxayna la kulmeen iska caabin xoogan.

Dagaalka ayaa waxaa si wada jir ah ugu qeyb qaatay ilaalada Xildhibaan Cabdiweli oo guriga la wareeray deganaa ilaalada Cabdi Waal oo ay isla joogeen iyo kuwa Hotel JAziira oo moodayay in la soo weeraray.

Hoyga Xildhibaanka oo dacalka ku haaya Hotel Jazeera, ayaa waxay taasi dhalisay inay dib u gurtaan Ciidanka Nabad Suggida, iyadoo loo diiday in ay gudaha u soo galaan hoyga Xildhibaanka.

Ujeedada ay u weerareen guriga Xildhibaanka ayaa aheyd in ay ka kaxeystaan Cabdiwaal, hase ahaatee ay ku fashilmeen nabadsugida.

Xildhibaan C/weli Maxamed Qanyare, ayaa si kulul uga hadlay weerarka hoygiisa lagu soo qaaday, wuxuuna Nabad Suggida ku eedeeyay in ay argagaxiso tahay, sida uu yiri

"Markii hore waxaan u maleynaayay waxa na soo weeraray in ay argagaxisadu tahay, laakiin waxaan ogaanay in Nabad Suggidu tahay, iyadaana argagaxisada la sheegaayo ah." ayuu yiri Xildhibaan C/weli Maxamed Qanyare.

Xildhibaanka oo u waramay Idaacada SKY NEWS ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu weerarkaan ku macneeyay qorshe lagu doonaayay in isaga lagu dilo, balse uu fashilmay

"Isku-day dil buu ahaa oo lagu doonaayay in aniga la'igu dilo, waa lagu marmarsiyoonayaa Cabdi Waal. Haddii la rabo Cabdi Waal maxaa gurigiisa loogu taggi waayay?" ayuu yiri Xildhibaan C/weli Maxamed Qanyare

C/weli, ayaa qaba in ay khalad tahay in la weeraro dhisme uu degan yahay Mudane ka tirsan Baarlamaanka Somaliya, iyadoo uu su'aal ka keenay waxa laga doonaayo, oo loogu socdo.

"Waa arrin khalad ah in la weeraro guri uu degan yahay Xildhibaan, xataa lama baari karo, maxaa laga rabaa oo laga baarayaa? Anigu ma waxaan heystaa hub aan ahayn midka aan isku ilaaliyo?." ayuu si adag u yiri C/weli, oo uu dhalay Siyaasiga Maxamed Qanyare Afrax.

Dhanka kale waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in weerarkaan uu ku dhintay Sarkaal ka tirsan Nabad Suggida, oo la oran jiray Ceydiid, halka afar kalana oo Nabad Suggida ka tirsan ay ku dhaawacantay.

Weerarkaan ayaa noqday mid Nabadsugida ay ku deg degtay in ay ku weerarto shaqsi ay doonayaan xili uu ku jiray guri Mudane Baarlamaan uu degan yahay.


Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda

THE_TRUTH1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1512
Joined: Thu Nov 24, 2005 9:01 pm
Location: canada

Re: Cabdiweli Maxamed Qanyare ”Nabadsugida Dawlada Ayaa I Di

Postby THE_TRUTH1 » Mon Aug 11, 2014 12:43 pm

Ciidamo katirsan Hay’ada Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya ayaa xalay ku fashilmay qorshe ay doonayeen in ay ku qabtaan Cabdi Nuure Siyaad oo kamid ah Siyaasiyiinta kusugan Magaalada Muqdisho.

Xogo lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in Cabdi Nuure Siyaad kahor inta aysan soo weerarin Ciidamada Nabad Sugida in uu kusugnaa Hoteelka Jaziira halkaana uu shaah kula cabay Xubno Siyaasiyiin ah iyo Saraakiil katirsan Dowlada.

Hotelka Jaziira waxaa sidoo kale kusugnaa sida aan Warar ku helnay Saraakiil katirsan Hay’ada Nabad Sugida qaranka kuwaa oo la tuhmayo in iyagu ay wax badan ka ogaayeen Qorshaha la doonayay in lagu qabto Cabdi Nuure

Ciidamo gaar ah oo katisan Hay’ada Nabad Sugida Qaranka ayaa la sheegay in banaanka Hotelka ay kusugayeen Cabdi Nuure ay xog ka hayeen in uu ku jiro Hotelka , waxa ayna Ciidamada markii uu soo baxay Siyaasigan durba gacanta ku dhigay Sargaal katirsan Ciidanka Nabad Sugida oo markii dambe la dilay.

Goob jooge kusugnaa Hotelka Jaziira ayaa noo xaqiijiyay in Cabdi Nuure iyo Sargaal katirsan Ciidanka Nabad Sugida ay gacanta iskula tageen , waxaana xiligaa kadib Rasaas soo riday ciidamo ilaalo u ahaa Cabdi Nuure oo kusugnaa meel aan ka fogeyn Hotelka Jaziira.

Xaalada ayaa mar qura is badashay waxaana halkaasi ka bilowday Rasaas Culus ay is dhaafsadeen Ciidamada Nabad Sugida iyo ilaalo yar uu watay Cabdi Nuure , waxaana la sheegay markii ay Rasaastu bilaabatay in Siyaasigan ay u suurto gashay in goobta uu ka baxsado.

Ciidamada Nabad Sughida oo tuhmay in Siyaasigan ka baxsaday uu galay Guriga Xildhibaan Cabdi Wali Qanyare ayaa durba rasaas ku bilaabay Guriga Xildhibaanka , waxaan halkaasi ka dhacay Dagaal dhax maray ilaalada Guriga Xildhibaanka iyo Ciidamadii Nabad Sugida.

Cabdi Nuure Siyaad oo xalay ka bad baaday qorshe ay doonayeen Ciidanka Nabad Sugida in ay ku qabtaan ayaan ilaa hada la ogeyn halka uu ku dambeeyo , mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Siyaasigan dowladu dooneysay in ay xirto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya
Allbanaadir@live.com

THE_TRUTH1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1512
Joined: Thu Nov 24, 2005 9:01 pm
Location: canada

Re: Cabdiweli Maxamed Qanyare ”Nabadsugida Dawlada Ayaa I Di

Postby THE_TRUTH1 » Mon Aug 11, 2014 12:46 pm

Siyaasiyiinta Hubeesan ee kusugan Muqdisho oo Heegan galay kadib cabsi xoogan oo soo wajahday!(Warbixin)




Wasaarada Amniga Qaranka Xukuumada Soomaaliya ayaa wada qorshe ay ku dooneyso in hubka uga dhigto ayna xabsi ku dhigto qaar kamid ah Siyaasiyiinta hubeesan ee kusugan Magaalada Muqdisho gaar ahaan Siyaasiyiinta kasoo jeeda Beesha Hawiye.

Waxaa Xalay fashil kusoo dhamaaday Qorshe Wasaarada Amniga Qaranka Soomaaliya ay ku dooneysay in ay kusoo qabato Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi Waal) oo kamid ah Siyaasiyiinta Muqdisho joogta si weyna u dhaliila Dowlada hada jirta uu Xasan Sheekh Hogaamiyo.

Cabdi Waal ayaa ka bad baaday Qorshe xalay lagu doonayay in lagu xiro lagana qaato hub uu Magaalada Muqdisho ku heesto , waxaana Wali wax war ah kasoo bixin Wasaarada Amniga Qaranka oo ku fashilantay dhagartii ay la damacsaneed Siyaasiga Cabdi Waal.

Xukuumada Soomaaliya ayaa isku raacday in hub ka dhigis lagu sameeyo Siyaasiyiinta Hubeesan ee kusugan Magaalada Muqdisho kana soo horjeeda Siyaasad xumada ay hada ku shaqeyso Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Wasaarada Amniga Qaranka oo iyadu qorshaha hub ka dhigista u xil saaran ayaa bilowgii howlgalka waxa ay soo aruurisay hub waa hore duugoobay oo yaalay Garaash uu lahaa Cismaan Caato si ay jid uga dhigato hub a heestaan Siyaasiyiin iyo Hogaamiyaal kusugan Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Nabad Sugia ayaa isbuucii hore u dhacay Guri uu Magaalada Muqdisho ka dagnaa Sargaal katirsanaa Ciidanka Dowlada waxa ayna gurigaasi kala soo baxeen Hay’ada amaanka Hub badan oo halkaasi yaalay iyagoona xabsiga dhigay Cabdi Ileeye oo ahaa Sargaal katirsaaa Ciidanka Dowlada.

Siyaasiyiinta Magaalada Muqdisho ku hubeesan ayaa hada waxaa soo wajahday cabsi la xariita qorshe ay Dowlada Soomaaliya ku dooneyso in qaab xoog ah hubka uga dhigto , waxa ayna Siyaasiyiinta hubeesan ay hada bilaabeen in ay ka feejignaadaan Qorshaha Dowlada hubka uga dhigeyso iyadoona wadahadal uusan dhicin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya
Allbanaadir@live.com


· mamaan on August 11 2014 ·

News From The World

THE_TRUTH1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1512
Joined: Thu Nov 24, 2005 9:01 pm
Location: canada

Re: Cabdiweli Maxamed Qanyare ”Nabadsugida Dawlada Ayaa I Di

Postby THE_TRUTH1 » Mon Aug 11, 2014 12:56 pm

Xukuumada Soomaaliya ayaa isku raacday in hub ka dhigis lagu sameeyo Siyaasiyiinta Hubeesan ee kusugan Magaalada Muqdisho kana soo horjeeda Siyaasad xumada ay hada ku shaqeyso Dowlada Federaalka Soomaaliya.


Somali Security are doing things the wrong way first go after the business man Alshabaab sympathizer disarm them ...


What happened last-night was embarrassing high ranking officer was killed in the fight and the police were forced to retreat ceeb .

User avatar
TheblueNwhite
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11301
Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
Contact:

Re: Cabdiweli Maxamed Qanyare ”Nabadsugida Dawlada Ayaa I Di

Postby TheblueNwhite » Mon Aug 11, 2014 2:09 pm

CabdiWaal is on the run. About time. :up:

Sheekada sida ay u dhacdey iyo sida la soo qorey wey kala duwan yihiin.

THE_TRUTH1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1512
Joined: Thu Nov 24, 2005 9:01 pm
Location: canada

Re: Cabdiweli Maxamed Qanyare ”Nabadsugida Dawlada Ayaa I Di

Postby THE_TRUTH1 » Mon Aug 11, 2014 4:15 pm

[quote="TheblueNwhite"]CabdiWaal is on the run. About time. :up:

Sheekada sida ay u dhacdey iyo sida la soo qorey wey kala duwan yihiin.[/quote]


What' are the Gov motive of attacking Qanyer son MP and Abdi Wall former warlord ?


Abdi wall guards killed a Sarkaal after scuffle with officer total embarrassment ......


Explain what happen and what's happening pls

AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Re: Cabdiweli Maxamed Qanyare ”Nabadsugida Dawlada Ayaa I Di

Postby AhlulbaytSoldier » Mon Aug 11, 2014 7:06 pm

Kill all warlords. Bullets in their heads.
Start with Aweys, Qanyare, muuse suudi, indhacadde, cadde muuse, faroole and siilaanyo

User avatar
AbdiWahab252
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 56703
Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
Location: Unity. Strength. Capital.

Re: Cabdiweli Maxamed Qanyare ”Nabadsugida Dawlada Ayaa I Di

Postby AbdiWahab252 » Tue Aug 12, 2014 5:06 pm

Why did they want to whack my buddy

User avatar
TheblueNwhite
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11301
Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
Contact:

Re: Cabdiweli Maxamed Qanyare ”Nabadsugida Dawlada Ayaa I Di

Postby TheblueNwhite » Thu Aug 14, 2014 12:06 pm

They didn't give him the nickname "CabdiWaal" for no reason. This nigga is the original Hitman. He killed that Ceydiid dude when he tried to grab him and arrest him. After he shot him in cold blood, CabdiWaal ran and jumped on the Xildhibaan's house and jumped again to another house. CabdiWaal must have taken Parkour training, cuz nigga was flying from wall to wall.

He is still MIA. About time fuckers like this are hunted down. Alot niggas are worried now, and some already are leaving the city with their stashes.

Xuldhibaans are getting weapons and personnel to guard them. All guns must be registered. The days niggas casually walked with AKs in the city are over.

Ereg is working hard. Kudos.

Ina Qanyare's guards are the ones who started firing at nabadsugida guys, the Xildhibaan was suspected of harbouring a fugitive and when they approached his house his squad started spraying bullets like rain. Big NO NO. Unless you have something to hide why fire on gov soldiers? Shady bizniz


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 27 guests