Dhegayso BBC: Pro: Gaandi “Maamulkii AZANIYA ayaan ku hirgelinaynaa awood Ciidan, Jubaland majirto (Waraysi Kulul)
Sep 4, 2014 - 16 Aragtiyood
Kismaayo (Kalshaale) Xildhibaan maxamed Cabdi Gaandi oo kamid ah mudanayasha Baarlamanka soomaliya iyo Xubno kale ayaa shir ay ku qabteen magaalada Nairobi ee dalka kenya, waxay ku sheegeen inay dar dar gelin doonaan Howlihii maamulkii Azaaniya ee horey loo doonayey inuu ka shaqeeyo Gobolada Jubooyinka iyo Gedo oo haatan maamulka uu Hogaamiyo Axmed Madoobe uu ka shaqeeyo.
Pro: gaandi oo waraysi siiyey Idaacada BBC ayaa wuxuu ka warbixiyey kulanka ay ku yeesheen magaalada Nairobi iyo Qorshahooda haatan ku wajahan deeganaadaasi uu ka arimiyo maamulka Jubaland iyagoona arimo badan daaha ka rogay.
HALKAN KA DHEGAYSO WARAYSI BBC LA YEELATAY PRO: GAANDI
Gaandi ayaa sheegay inuu Maamulkaasi Fashilmay, Lana doonayey inay dadka deegaanku ka dhex muuqdaan, Wuxuuna sheegay inay haatan Xoojin doonaan Sidii maamulka Azaaniya uga shaqayn lahaa deegaankaasi, Waxaana la waydiiyey deeganadaasi adinta meelna kama maamushaa ee sidee u shaqanayaa maamulku ?, Wuxuuna sheegay inay Ujoogaan Ciidamo iyo waliba waxgarad taageersan.
Arintaan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo Coll: Bare hiiraale oo saamayn ciidan ku lahaa deeganaasi uu qaatay nabada, Sidoo kalana uu sheegay inuu shir dib u heshiisiin ah oo dhowana ka dhacaya magaalada kismaayo ka qayb geli doono.