by A M | Monday, Sep 22, 2014 | 2108 views
Maamulka Puntland ayaa ka jawaabay eedeyn ka soo yeertay Maamulka Galmudug, kaasoo ahaa in garoon diyaaradeed ay sameysatay dooneyso inay Hub kala soo degto, iyadoo iska fogeysay in Cabdi Qeybdiid u diiday inuu Galkacyo yimaado.
C/naasir Bedel Khalaf oo ah Mas’uulka u qaabilsan wasaarada Warfaafinta Puntland ee Gobolka Mudug ayaa sheegay inay ka war heleen hub laga soo rarayo garoomo ku yaal Koofurta Muqdisho la doonayo in laga soo dejiyo deegaanada Mudug oo uu sheegay inay Puntland maamusho.
“Arrinta Madaxweynaha Galmudug ka hadlay ee Air Porka Galkacyo in loo diiday iyo in Air Por kale oo ay Galmudug leedahay intaas aan rabno inaan cadeyno, Cabdi Qeybdiid waligiis Galkacyo ka soo deji jiray waa nin mas’uul ah oo deris aan nahay, laakiin ujeedo siyaasadeed ayuu ka leeyahay arrintaas, Garoonka ay sameysteen waxaa la doonayaa in Hub Muqdisho laga soo raro in laga soo dejiyo”ayuu yiri C/naasir Bedel Khaliif oo la hadlay Idaacada BBC-da.
Waxaa uu sheegay in aysan iyagan diidaneyn inuu Galkacyo yimaado, hase ahaatee ay ka soo horjeedaan hub sharci daro ah oo la doonayo in laga soo dejiyo garoonkaas, waxaana uu intaa ku daray in Puntland uu mamnuuc ka yahay in hub sharci daro ah la soo geliyo sida uu yiri.
“Dowladda Puntland wax aysan ogeyn Gobolka Mudug kama soo degi karo, Mudugna Puntland ayay hoos-tagtaa, waxaa rabaa inaan cadeyno in Galmudug ay sameysatay garoomo qarsoodi ah oo ay hub rabto inay ka soo degsto, midaas baa diidanahay, waxaana Hubka laga soo rarayaa Garoomada Balli-doogle iyo Nambar 50, maadaama garoonka caalamiga ah ee Muqdisho ee AMISOM gacanta ku heyso aan wax hub sharci daro ah laga dhoofin karin”ayuu yiri C/naasir Bedel Khalaf.
Madaxweynaha Galmudug ayaa warqad uu u qoray dowladda Federaalka iyo Beesha caalamka ku sheegay in hadii aan saddex cisho aanay jawaab laga bixin arrinta xayiraada Puntland ee saartay garoonka ay sameysteen ay qaadan doonaan go’aan cad ah.
Magaalada Galkacyo oo labo qeyb u qeybsan ayaa waxaa kala maamula Puntland iyo Galmudug, waxaana horay u dhex maray labada beel ee ka soo kala jeeda colaado, kaasoo sanadkii 1993-dii heshiis laga gaaray, waxaase jiray heshiisyo dhowr ah oo labada maamul ka gaaray khilaafyo soo dhex galay oo ugu dambeeyay heshiiskii sanadkii 2010-kii.









