Garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo oo si caadi ah u shaqaynaya
Posted on September 26, 2014Raad Raaca, RBC, Uncategorized, Wararka
Garoowe [RBC Radio] Dowladda Puntland ayaa shaacisay inuu si caadi ah u shaqeynayo garoonka diyaaradaha magaalada magaalada Gaalkacyo,kaddib markii ay Galmudug ku hanjabtay inuu garoonku xirmayo.
Cabdiwali Xirsi Cabdulle (Indha-guran) wasiirka warfaafinta dowladda Puntland ayaa saxaafadda u sheegay inuu furan yahay garoonka diyaaradaha Gaalkacyo cid xirtayna aysan jirin.
Wasiirka warfaafinta Puntland,Indha-guran
Wasiirka warfaafinta Puntland,Indha-guran
“Way jirtay in maamulka Galmudug ay ku dhawaqeen in garoonka Gaalkacyo ee Puntland uu xiran yahay, balse taas ma dhicin oo garoonka weli wuu shaqeynayaa, mana jirto cid xirir karta,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Puntland.
Wasiirka warfaafinta waxaa uu soo hadal qaaday in garoonka diyaaradaha Gaalkacyo uu ka tirsan yahay Puntland, uuna u shaqeeyo bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka oo dhan.
Indha-guran waxaa kalo uu sheegay inay Galmudug kala hadli karaan ammaanka iyo maslixiyada guud ee magaalada Gaalkacyo,balse waxuu sheegay inaysan dhacayeen arrimaha garoonka inaysan marnaba kala hadli karin,maadaama garoonka uu hoostago Puntland.
Wasiirka isagoo ka hadlayey xiritaanka garoonka diyaaradaha ee Galmudug ay dhawana dhisatay ayaa sheegay inay isticmaali karaan garoonkooda oo ay u madax-bannaan yihiin, balse aysan ka ogolaan doonin inay kooda faraha ku soo geliyaan.
Khilafka labada dhinac ayaa yimid kaddib markii dowladda Puntland ay xayiraad ku soo rogtay garoon macmal ah oo ay Galmudug ka sameysay koonfurta Gaalkacyo.
___
RBC Radio