Muqdisho start Population census every citizen and household will be listed
“Muungaab” oo tababar u furay howlwadeennada mashruuca tirakoobka iyo deriseeynta G/Banaadir+Sawirro
Published on October 24, 2014 by Mowliid · No Comments · 312 views
Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahana Duqa magaalada Muqdisho mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” ayaa tababar u furay ku dhawaad Sadex boqoll oo howlwadeenno ah, oo loogu talagalay iney ka qeyb qaataan mashruuca tirakoobka iyo deriseeynta gobolka Banaadir.
Xubnaha loo furay tababarka oo laga soo xulay degmooyinka gobolka Banaadir ayaa loogu talagalay iney fuliyaan mashruuc isugu jira deriseeyn iyo tirakoob, kaasoo maamulka gobolku qorsheeynayo inuu dhawaan ka bilaabo magaalada Muqdisho.
Gudoomiye “Muungaab” oo tababarkan ka furay xarunta iskool Boliisiya ayaa xubnaha loo qabtay tababarka kula dar daarmay iney ka faa’iideeystaan, casharrada ay bixinayaan macalimiinta, si ay ugu sahlanaato howsha laga doonayo ineey fuliyaan.
Tababarkan oo socondoona muddo todobaad ah ayaa waxaa casharro ka bixinaya macalimiin khibrad iyo aqoonba u leh howsha tirakoobka iyo deriseeynta ee dhawaan ka bilaaban doona Muqdisho.
Mashruuca ololaha tirakoobka iyo deriseeynta ayaa la rumeeysanyahay in uu qeyb libaax ka qaadan doono sugidda amaanka caasimadda maadaama guri kasta la lambarinayo, islamarkaana la diiwaan gelinayo dadka ku nool Muqdisho.