Hogaamiye ka tirsaa Ururka Al shabaab oo lagu soo qabtay Degmada Dayniile (VIDEO)
October 28, 2014 – Ciimadda Nabad-sugida iyo Sirdoonka qaranka ayaa howgalo ballaaran ku soo qabtay hub iyo dadkii heystay kaddib howl gallo ay ka sameeyeen qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.
Ciidamada ayaa soo qabtay sagaal qof oo lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab. Guri ku yaalla degmada Dayniile ayaa laga helay hub badan oo dhulka ku duugnaa iyo dhowr qof oo ku sugnaa guriga.
[youtube]watch?v=Fr6uzIyNdEs[/youtube]
Degmada Howl-Wadaag ayay ciidamadu sidoo kale ka sameeyeen howl-galka, dhowr qof oo lala xiriiroyay inay ka tirsan Al-Shabaab ayaa laga soo qabtay xaafadaha u dhow suuqa Bakaaraha ee degmada Howl-Wadaag.
Sarkaal ka tirsan Nabad-sugidda ayaa Radio Muqdisho u sheegay in ciidamadu ay heleen xog ku saabsan dadka iyo hubka la soo qabtay, ayna sii wadi doonaan baaritaannada noocaan ah.
Maalmo ka hor ayay ciidamada Nabad-sugiddu gacanta ku soo dhigeen dhallinyaro laga keenay gobollada oo ay Al-Shabaab doonayeen inay falal amni darro ka sameeyaan gobolka Banaadir, Kuwaas oo ku sugnaa guri ku yaalla degmada Howl-Wadaag.



