Wararka ka imanayaa Boossoso ayaa soo shegya In Axmed Alcholo oo ahaa Colonel ka soo tirsanaa Ciidamada Xooga Dalka Somaaliya oo in badan ka soo shaqeyey Puntland U xalay ku geeriyooday hooygisa oo ku yaala Xaafada Laanta Hawada ka gadaal markii uu dhintay Baahi darteed afar bilodna uuna qaadan wax mushahar ah.
Colonelka ayaa ahaa nin aaminsan somalinimada waxaana ka rebanaa shaxadka iyo si dayac ah wax ku raadiya, Maalin walaba waxu tegi jiray shaqadiisa waana imaan jiray isaga waxna cunin marka laga reebo biyo. Mudo asbuuc ah markuu saas ku jiray waxuu ku dhacay qolkisa sidaa waxaa yiri qarabadisa oo puntlander la soo Xiriirtay.
Inta badan Ciidmada Puntland oo inta badan saaxubul ciyaal aha aya wxaa haysta dhib noocaan oo kale waxaan la sugyaa in hadii xaalada saan ku socto Maalmaha soo socda dhib weyni imaan doono. Sidoo kale waxaa dhib nocaan ah haystaa shaqaale laagu qiyaasay 7 kun oo aan haysan wax naftoda ku maryeaan oo sugya gacanta dawalada oo keli ah alow sahal amuuraha








BS
