Xil. Shariif Xasan oo loo Doortay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed
0 0 Google +0 0
Isniin, November 17, 2014 (HOL) — Xildhibaan Shariif Xasan Sh. Aadan ayaa maanta loo doortay madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed ee saddexda gobol, kaddib markii ay u tanaasuleen afar murashax oo xilkan kula tarmayay, taasoo keentay in Shariif Xasan uu codadka inta badan xubnihii kulanka kasoo qaybgalay helo.
Musharaxiinta la tarmtaayay Shariif Xasan oo kala ahaa; Abaa-Awoow Xaaji Suufi Carfaan, Avv. Axmed Maxamed Caddoow, Maxamed Cumar Sh. Daahir iyo Maxamed Xasan Fiqi, kuwaasoo sheegay inay u tanaasuleen markii ay u arkeen Shariif Xasan inuu yahay nin maamulkan hoggaamin kara.
Ergooyinka kulanka goobjoogga ka ahaa ayaa waxay tiradoodu ahayd 396-ergo, waxaana codka siiyay Shariif Xasan 373 ka mid ah, 15 way diideen, sideedna way ka aamuseen.
Shariif Xasan ayaa lagu dhaariyay isla hoolka lagu doortay, isagoo dhaarinta kaddib hadal uu jeediyay ku sheegay inuu ku dadaali doono sugidda amniga gobollada uu maamulkan ka talin doono oo kala ah; Shabeellada Hoose, Bay iyo Bakool.
“Waxaan ka shaqeyn doonaa walaaleynta dadka ku nool sadexda goboll ee uu maamulku ka kooban yahay iyo amniga saddexda gobol, waxaan kaloo xoogga saari doonaa sidii looga hortegi lahaa Al-shabaab oo dhibaatoyin ku haya shacabka ku nool saddexda gobol,” ayuu yiri Shariif Xasan.
Magaalada Baydhabo ayaa waxaa maanta ka dhacay mudaaharaad weyn oo ay dhigayeen dad kasoo horjeeda dhismaha maamulka saddexda gobol kaa oo ay ku dhinteen laba qof oo shacab ah, laba kalena ay dhaawacyo kasoo gaareen.
Dhanka kale, doorashada ayaa imaanaysa iyadoo kulan hoosaad uu xalay ku dhexmaray Baydhabo, xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Madoobe Nuunoow Maxamed oo ahaa madaxweynaha maamulka lixda gobol, oo aad uga soo horjeeday dhismaha maamulkan, iyadoo warar hoose ay sheegeen inay ka hadleen sidii loo xoojin lahaa maamulka saddexda gobol.
Si kastaba ha ahaatee, ma jiro weli hadal kasoo baxay Nuunoow iyo Shariif Xasan oo ku aaddan qodobbadii ay kaga hadleen kulankoodii xalay oo qadar saacado ah qaatay.